Skip to content
Monday, November 23, 2026 12 Jumada al-Thaniyah 1448 AH Dhuhr 11:46
Muqdisho 31°C
Degdeg Siyaasiga Soomaaliyeed iyo Sarkaalka Ciidanka: Laba Mas’uuliyadood iyo Hal Waddaniyad
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia Af-Soomaali

Siyaasiga Soomaaliyeed iyo Sarkaalka Ciidanka: Laba Mas’uuliyadood iyo Hal Waddaniyad

Follow
Siyaasiga Soomaaliyeed iyo Sargaalka Ciidanka: Laba Mas’uuliyadood, Hal Waddaniyad 

Dallacaadda xasaradaha dastuuriga ah iyo khilaafaadka siyaasadeed ee dalka ragaadiyay waxay iftiiminayaan doorka lama-huraanka ah ee ay leeyihiin hoggaamiyaha siyaasadda iyo hoggaanka ciidanka qaranka xilliyada adag.

Aragtidan qotada dheer waxay tooshka ku shidaysaa laba tiir oo lafdhabar u ah badbaadada Soomaaliya: siyaasiyiinta go’aamada gaara iyo saraakiisha ciidanka ee difaaca dalka u xilsaaran. In kasta oo labaduba ay dhabarka u ridanayaan howl qaran, haddana mas’uuliyad kasta iyo culeyska saaran waxay ku kala duwan yihiin waajibaadka distooriga ah iyo meeqaamka shaqo.

1. Siyaasiga Soomaaliyeed: Shaqada guud waa adeeg bulsho, ma ahan marin danaysi qofeed

Hoggaamiyaha siyaasadeed ee dalku marka uu guda-galayo howlmaalmeedkiisa, waxaa looga fadhiyaa inuu aqoontiisa iyo awoodda uu leeyahay ku hogaamiyo danta guud, dalka iyo dadkiisana ku samatabixiyo. Si kasta oo ay tahayba, macnaha dhabta ah ee siyaasadda kuma koobna qabashada xafiis sare ama ku dhexjirka nidaam maamul oo shaqeynaya; waxaase saldhig u ah damiir nool, himilo fog iyo isla-xisaabtanka bulshada uu wakiilka ka yahay.

Bulshada iyo qaranimadu ma maarmi karaan hoggaan siyaasadeed oo hufan, gaar ahaan marka ay dhisan tahay dowlad sharciyad buuxda haysata, hay’adihii dowliga ahaana ay u shaqaynayaan si waafaqsan heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.

Hase ahaatee, Soomaaliya maanta waxay dhex maquuranaysaa jawi xasaasi ah oo ay hareeyeen ismaan-dhaafyo culus oo ku saabsan sharciyadda aasaasiga ah iyo heshiiskii lagu dhisay dowladnimada wadar-ogolka ah. Qof kasta oo siyaasi ah oo hadda garab taagan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, haddii uusan si miisaan leh u qiimayn xayndaabka sharciga iyo waxa ka dhalan kara, waxaa horyaalla hal su’aal oo masiiri ah: Ma qaranka iyo danta dadweynaha ayaad u khidmaynaysaa mise kuraasta iyo manfacaaga gaarka ah baad ilaashanaysaa?

Hoggaamiyaha dhabta ah ee waddaniga ah looma yaqaanno mid xafiiska ku dheggan marka duruufuhu cakirmaan; balse waa shaqsiga garanaya xilliga ku habboon ee laga huleelo kursiga si loo badbaadiyo jiritaanka dalka iyo maslaxadda shacabka. Tallaabada iscasilaadda ah, marar badan, ma aha quus iyo hungow siyaasadeed, ee waxay marag u tahay damiir nool, go’aan adag iyo waddaniyad dhab ah.

Sida darteed, masuulka kasta oo maanta talada haya waxaa la gudboon inuu ogaado in aayaha guud ee qaranku uu ka miisaan culus yahay xilka uu huwan yahay. Haddii ay caddato in ku-dheganaanta kursigu ay hurinayso ismaandhaaf hor leh, kala-fogaansho bulsho iyo dumin heshiisyadii lagu dhisay nidaamka dawliga ah, go’aanka waddaninimo ee ugu toosan ayaa noqonaya inuu xilka baneeyo.

2. Sargaalka Ciidanka Soomaaliyeed: Sarreeynta sharciga ayaa ka sarraysa rabitaanka qofeed

Dhinaca kale, sargaalka ciidanka qalabka sida ee Soomaaliyeed wuxuu ku jiraa kaalin gebi ahaanba ka duwan tan siyaasiga. Saraakiisha ciidanku ma matalaan xisbi, koox gaar ah ama hebel, mana aha adeegto u heelan qabiil ama siyaasi gaar ah. Waxay u taagan yihiin difaaca gobannimada, madaxbannaanida dhuleed iyo ilaalinta nabadgelyada guud ee shacabka Soomaaliyeed.

Xilliyada ay dalka ka dilaacaan jaahwareer dastuuri ah iyo loollan siyaasadeed, waxaa hoggaanka ciidanka dusha ka saaran waajibaad weyn: inaysan indhaha iska laabin fulinta awaamiirta la soo gaarsiiyo iyagoon marka hore xaqiijin inay si buuxda u waafaqsan yihiin dastuurka iyo qawaaniinta dalka u degsan.

Inkasta oo anshaxa iyo xirfadda ciidannimo ay ku taagan yihiin adeecis iyo kala-dambeyn adag, haddana maqaamkaasi kama qaadayo sargaalka miyirka damiirkiisa iyo culeyska kaga aaddan dhanka sharciga. Amar sharci-darro ah marnaba lama xalaalayn karo sabab la xiriirta inuu ka soo baxay mas’uul xafiis fadhiya darteed.

Hadafka koowaad ee sargaalka ciidanku waa xaqiijinta nabadgelyada dalka iyo badbaadada ummadda Soomaaliyeed. Sinaba looma oggolaan karo in cududda ciidanka loo leexiyo loollan siyaasadeed, ama in garab loogu noqdo beel gaar ah ama garab siyaasadeed. Ciidanka qaranku wuu ka sarreeyaa kana weyn yahay shakhsiyaadka siyaasadda ku jira, beelaha iyo dhammaan maamullada xilliyada ku meel-gaarka ah jira.

Saraakiisha ciidanka waxaa muhiim ah inay mar kasta xusuusnaadaan in dhaar-marintooda iyo waajibaadkooduba ay ku qotomaan qaranimada iyo sharciga, ee aysan ku xirnayn shakhsiga maalintaas kursiga ku fadhiya. Xilkoodu waa xaqiijinta xornimada qaranka, wadajirka shacabka iyo badbaadinta hay’adaha dastuuriga ah ee ummadda.

Gunaanad: Maslaxadda guud ee dalka ayaa ka sarreysa kursiga iyo heybta beeleed

Labada dhinac ee halkan lagu lafogay—siyaasiga iyo sargaalka ciidanka—waxay kala leeyihiin doorkooda shaqo ee qeexan, balse waxay wadaagaan hal yool oo lama-taabtaan ah: samatabixinta iyo badbaadada qaranka Soomaaliyeed.

Siyaasiga waddaniyaddu ku weyn tahay waa inuu qalbiga ku hayaa in mas’uuliyaddu tahay ammaanad culus, xilliyada qaarna ay ka samaxaadista xilku kaga sharaf iyo miisaan badan tahay ku-dhagganaanta maqaamkaas.

Sidoo kale, sargaalka ciidanka qalabka sida waa inuu maanka ku hayaa in qorigiisu uusan u taagnayn difaaca shakhsi, dan beeleed ama koox siyaasadeed, balse uu yahay gaashaan lagu difaacayo madaxbannaanida dalka iyo badbaadada bulshada Soomaaliyeed; marna yuusan isu dhiibin inuu noqdo aalad lagu meelmariyo ajandeyaal siyaasadeed iyo awaamiir sharciga baalmarsan.

Ugu dambayntii, Soomaaliya maanta uma baahna siyaasi aayaha dalka ku beddesha kursigiisa, mana u baahna sargaal ciidanka qaranka u afduuba rabitaanka hoggaamiye siyaasadeed. Waxay u oomantahay siyaasi danta guud u hura kursigiisa iyo saraakiil ciidan oo sharciga iyo qaranimada u hura naftooda.

Qaranimada Soomaaliyeed ayaa had iyo jeer ka sarreysa shakhsiyaadka, kuraasta iyo danaha gaarka ah ee qabiilka.

[email protected]

Sidee u aragtaa warbixintan?

0 votes