Rooble oo isku keenay Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed iyo ama…

- Advertisement -

Muqdisho (Axadle) – Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay Guddoomiyaha Aqalka Sarre iyo Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka dalka.

Kulanka uu Ra’iisal wasaaraha la qaatay Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed ayaa ku qabsoomay jawi wanaagsan, ayada oo looga hadlay arrimaha doorashooyinka iyo khilaafka kuraasta gobollada Waqooyi, sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska Ra’iisal wasaaraha.

Inta uu socday kulanka Rooble ayaa faray Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed inay muddo kooban xal uga soo gaaran khilaafka ka dhex aloosan ee sababay in guddiga doorashooyinka Gobaladda Waqooyi u kala jabo labo garab.

Rooble ayaa ugu dambeyntiina labada mas’uul ku booriyey muhiimada ay leedahay in la xaliyo kala aragti duwanaanshahooda arrimaha doorashooyinka, si ay u qabsoonto doorashada xubnaha labada aqal ee gobollada Waqooyi.

Si kastaba, Kulanka maanta ayaa imanaya xili uu Ra’iisal wasaaraha shalay sheegay inuu wado wada-tashiyo ku aadan arrinta Gobaladda Waqooyi, isla markaana meel fiican ay marayaan wada-hadalladu, si meesha looga saaro khilaafka ka taagan doorashadooda.

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More