Browsing Category

Somalia

Somalia | Wararka Maanta | Somali Latest Breaking News and the expert analysts you can trust.

Xukuumadda Soomaaliya oo ka hadashay Sababta ay u kala

Wasiirka Warfaafinta XFS Cismaan Abuukar Dubbe oo Warbaahinta u qabtay Shirjaraaid ayaa faah-faahiyay xiriirka Soomaaliya & Kenya, isaga oo eedeyn aan xad lahayn la dul istaagay Xukuumadda Nairobi. Dubbe ayaa sheegay in Soomaaliya ay dhowrto derisnimada, xiriirka & madax bannaanideeda, balse iyada aysan ilaalin, taas badalkeed ay ka shaqeyso safar ku dhibista Shacabka Soomaaliyeed iyo in ay sandullo ku maraan Wajeer. Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay in…

Golaha Shacabka oo aan kulan yeelan 15-Cishe, haddaba maxaa

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa 24-kii October 2020 xili Kalsoonida la siiyay Xukuumadda Raysul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble Xildhibaannada kahor sheegay in uusan jirin waqti ay fasax ku qaataan si loosoo gaba-gabeeyo kalfadhiga 7-aad, muddo kadibna la furo kalfadhigooda 8-aad. Afhayeenka Golaha Shacabka ayaa sheegay in 26-ka October 2020 oo ah maalin kadib shaacinta go’aankaas in uu furmay kalfadhigooda 8-aad, sababtu waxa uu ku…

“Shabaab waxa la dagaalamay waa dadka Deegaanka”

Axmed Daahir Macalin Guddoomiyaha Deegaanka Bacaadweyn ee Gobolka Mudug oo la hadlay VOA ayaa sheegay in dagaalka ka dhacay deegaankaas uu sababay dhimasho, dhaawac & Gaadiid ay qaateen Al-Shabaab. Waxa uu qiray Gaadiidka ay soo bandhigtay Al-Shabaab in ay ku qabsatay intii uu socday Dagaalka ka dhacay Deegaankaas, waxaana uu tilmaamay in meel ka baxsan Magaalada ay si kedis ah uga wateen Gaadiidkaan. Guddoomiye Axmed ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen 10-qori oo ah…

“Shabaab ayaan ka xorreynay Gedo, Balse DFS ayaa naga

Hogaamiye ku xigeenka DG Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo ka hadlay Xaaladda Gobolka Gedo ayaa sheegay in marxalad adag loosoo maray sidii looga saari lahaa Al-Shabaab kahor inta aysan soo gelin Gacanta Maamulka. Sayid Aadan ayaa sheegay in dhammaan shaqsiyaadka ugu caansan Gobolka Gedo gaar ahaan Maamulka, Siyaasiyiinta, Odoyaasha iyo kuwo kale ay haatan joogaan Magaalada Kismaayo oo xarun KMG u ah DG Jubbaland. Dowladda Federaalka ayuu ku eedeeyay in ay abaabushay qabsashada…

Guddoomiyaha Aqalka sare oo ka digay kuraas boob lagu

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Siyaasiyiinta, Dhaqanka qaybaha kala duwan ee Beelaha Gobollada Waqooyi (Gobaladda Waqooyi) ayaa soo saaray digniin la xiriirta boob ay sheegeen in lala damacsan yahay kuraasta Xildhibaannada labada ee Gobolladaas. Qoraalka ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka ay iska indha-tireyso baaqyadooda, isla markaana ay ku adkeysaneyso guddiga ay magacawday in uu guda-galo doorashada Baarlamaanka Soomaaliya ee dhanka…

Xildhibaanada Galmudug kumetela Baarlamaanka oo saluugsan

MW DG Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Xildhibaan Mahad Maxamed Maxamed Salaad oo ka mid ah mudanayaasha laga soo doorto dowlad-goboleedka Galmudug ayaa saluugay habdhanka madaxweynaha maamulkaasi Axmed Cabdi Kaariye qoor qoor ee arimaha doorashooyinka Soomaaliya. Mahad Salaad ayaa sheegay in madaxwynaha Galmudug Qoor qoor uu ku mashquulsanyahay socdaalka uu ku tago Turkiga, magaaladda Muqdisho iyo Xafiiska agaasimaha hay’adda sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasin Xaaji Daahir,…

Guddiga lagu muransan yahay ee doorashooyinka dadaban oo soo

Guddiyada doorashooyinka iyo xallinta khilaafaadka ee ay soo magacaabeen Dowladda Faderaalka Soomaaliya iyo Dowlad-goboleeyada Koofur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle oo tababar mudooyinkii dambe uga socday magaaladda Muqdisho ayaa soo saaray bayaan ay ka hadlayaan waxyaabaha u qabsoomay mudooyinkii shirku u socday. Guddiga doorashooyinka waxay codsadeen in si degdeg loogusoo biiriyo xubnaha ka dhiman, ka hor inta aan la gaarin doorashada Guddoomiyaha guddiga doorashada iyo…

Jubbaland oo aan diyaar u ahayn magacaabista guddiyadda

Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe. Dowlad-goboleedka Jubaland oo villa-Somalia u aqoonsantahay maamul KMG ah ayaan diyaar u ahayn in uu soo magacowdo xubnaha ku metalaya guddiyadda doorashooyinka 2021 inta heshiis laga gaarayo qadiyadaha la isku hayo oo ay ugu wayntahay arinta gobolka Gedo, sidda uu sheegay madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan. Sayid Aadan oo qodobada la isku hayo ku qeexay ciidamadda Dowladda Faderaalka ka jooga gobolka Gedo ee…

Deni ma uga daray Muranka ka taagan lacagta mise wuu u

Hogaamiyaha DG Puntland ayaa xalay soosaaray amar dhaqangalaya isla maanta oo ah 1da Deseembar 2020, kaas oo ku saabsan in Canshuurta maamulkaas lagu qaado Doollar, halka horay Ganacsatada ay u bixin jireen Shillin Soomaali, maadama Jah-wareer uu ka dhashay sarifka & isticmaalka lacagta. Ganacsatada waaweyn ayaa diidan qaadashada kunka shillin Soomaaliga, halka kuwa yar yar kasoo ay kasoo horjeedaan lacagta Doollar, sabab la xiriirta welwel ay ku muujinayaan isbadalka…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More