Ciidamada DF Soomaaliya iyo Al-Shabaab oo ku dagaalamay dule…

Dhuusamareeb (Axadle) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey ciidamada Xoogga dalka iyo dagaalyahanada Al-Shabaab oo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud.

Wararka ayaa sheegaya in dagaallkaasi uu xoogiisa uu ka dhacay dhanka koonfureed ee duleedka magaalada Dhuusamareeb oo caasimad u ah Galmudug, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal muddo qaatay, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Ilo deegaanka ah ayaa sidoo kale Axadle u sheegay in dagaalka u ka dhashay, kadib markii ciidamada dowladda oo howl-gallo waday ay gudaha u galeen deegaanada  Tuula-xaadow & Cabdi Haaray, halkaas oo ay ku sugnaayeen xoogag ka tirsan Al-Shabaab.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalkan uu geystay khasaare  dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac, walow aan la ogeyn inta uu la’egyahay.

Saraakiil ka tirsan ciidamada qeybta 21-aad ee ciidamada Xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday inay dagaal ku qaadeen deegaanadaasi, xilli ay isku uruursanayeen dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab oo weeraro ka fuliyo halkaasi.

Wararkii ugu dambeeyey waxay haatan sheegayaan in xaaladda duleedka Dhuusamareeb ay aad u kacsan tahay, iyada oo laga dareemayo dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa gobollada Galgaduud iyo Mudug ka socday guluf ka dhan ah dagaalyahanada Al-Shababa oo weli ku xoogan deegaano ka tirsan gobolladaasi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More