Daba-geed oo ku guuleystay inuu maamulka HirShabelle geeyo B…

Beledweyne (Axadle) – Waxaa la filayaa in maalinta berri ay markii ugu horreysay ay Golaha Wasiirada HirShabelle shir ku yeeshaan magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, waxaana shir guddoomin doono Madaxweyne ku-xigeenka maamulkaas Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed oo sidoo kale ah ku simaha Madaxweynaha.

Xog ay heshay Axadle ayaa sheegeysa in maanta inta badan Golaha Wasiirada HirShabelle ay ka dageen magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, waxayna halkaas kaga qeyb gali doonaan shirka Golaha Wasiirada oo muddooyinkan aan la qaban.

Wafdiga Wasiirada ee maanta gaaray Beladweyne waxaa ka horreeyay saraakiil ka socota xafiiska Madaxweynaha HirShabelle, kuwaasi oo maalmahan Beladweyne ka waday abaabul iyo diyaar-garow xoog leh.

Haddii berri magaalada Beladweyne ku shiraan Golaha Wasiirada ee Maamulka HirShabelle waxaa muuqata in Madaxweyne ku-xigeenka maamulkaas Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed uu ku guuleestay in uu maamulka geeyo Beladweyne oo ay u diidanaayeen beesha uu ka dhashay ee Xawaadle.

Sidoo kale in Wasiirada, Xildhibaanada iyo Saraakiisha Madaxtooyada HirShabelle ay wada joogaan kuna howlgalayaan Beladweyne ayaa ka dhigan in ay degtay xiisadii iyo abaabulkii ka dhanka ahaa maamulka uu hogaamiyo Madaxweyne Cali Guudlaawe ay yaraatay. 

Madaxweyne Guudlaawe ayaa sidoo kale qorsheynaya inuu tago Beledweyne, waxaana arrintaas kala shaqeynaya dowladda federaalka oo dooneysa in xiisadda lasoo geba-gebeeyo, kahor doorashada xildhibaanada golaha shacabka ee lagu qabanayo magaalada Beledweyne. 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More