Browsing Category

Somalia

Somalia news, politics, security, diplomacy, and public affairs from Axadle, with breaking updates and analysis from Mogadishu and across the country.

Aqriso: Qorshaha amniga doorashooyinka qaran oo xalay shaaca…

Muqdisho (Axadle) – Xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaaciyey qorshaha qaran ee amniga doorashooyinka dalka oo ka kooban 17 bog, ayada oo dalka uu aadayo doorasho dadban. Waxaa sidoo kale la dhisay Guddi Amni oo ka kooban 9 xubnood, mas’uulna ka ah amniga doorashada, uuna hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, xubnaha ay ka mid yihiin Taliyayaasha Booliska Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka, iyo Taliyaha Booliska AMISOM. Guddiga Amni ayaa…

Xubno ka tirsan guddiyada doorashada oo lagu eedeeyey inay d…

Beled-Xaawo (Axadle) – Afhayeenka Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Gedo Aadan Axmed Xirsi (Aadan Rufle) ayaa sheegaya inay dad dembiileyaal ahi ku jiraan Guddiyada Doorashooyinka Qaranka, gaar ahaan Xubnaha Jubbaland ku metelaya Guddiyada Doorashooyinka. Afhayeenka oo ka soo muuqday Warbaahinta ayaa sheegay inay dadka uga digayaan waxa lagu sheegay buu yiri Guddi Doorasho oo laga soo diray Magaalada Kismaayo. “Digniin, waxaan ummadda Soomaaliyeed…

Maxay tahay tallaabada ay qaaday xukuumadda Rooble ee Farmaa…

Muqdisho (Axadle) –Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa caawa madaxtooyada ku qaabilay xubno ka tirsan golaha wasiirrada Soomaaliya iyo maamulaha shirkadii maanta dalka Itoobiya u dhoofisay Kalluunka, kadib markii uu dhacay heshiis ay dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya isku dhaafsanayaan Kalluunka iyo Qaadka. Farmaajo waxa uu soo dhaweeyey heshiiskaas, isagoo xukuumadda ku amaanay waxa uu ugu  yeeray, “awood-siinta…

Faah-faahino kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax ka dha…

Muqdisho (Axadle) –Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax caawa ka dhacay agagaarka isgoyska Taleex ee degmada Hodan, kaas oo la soo werinayo inuu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Inta la xaqiijiyey hal qof aya ku dhaawacmay qaraxaas, halka warar soo baxaya ay sheegayaan inay jirto dhimasho. Qaraxa oo haleelay gaari Surf ah ayaa warar kala duwan waxay ka soo baxayaan nooca uu ahaa, waxaana weli la kala xaqiijin inuu ahaa…

Fiqi oo ka hadlay heshiiska ay Soomaaliya kalluunka ugu bedd…

Muqdisho (Axadle) – Wasiirka amniga Galmudug, Axmed Macallin Fiqi ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu si yaab leh uga hadlay heshiiskii ay maanta kala saxiixdeen dowladaha Soomaaliya iyo Ethiopia, kaasi oo qaadka Ethiopia lagu bedelanayo Kalluunka Soomaaliya. Heshiiska oo saaka lagu saxiixay gudaha garoonka Caasimadda Muqdisho ee Aadan Cade, ayaa waxa uu Fiqi ku tilmaamay mid aan baahi badan loo qabin, marka loo eego faa’iidada labada badeeco ee la…

Wasiiru dowlihii hore ee madaxtooyada oo shaaciyey sabab loo…

Muqdisho (Axadle) – Wasiiru dowlihii hore ee Madaxtooyada Soomaaliya Cabdulqaadir Sheekh Cali Baqdaadi ayaa ka hadlay xaaladda askarta ay Dowladda Soomaaliya tababar ahaan ugu dirtay dalka Eritrea iyo sababta ka dambeysa inay dalka ka maqnaadaan waqti ka badan intii loogu talagalay inay tababarka ku qaataan. Baqdaadi ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku guuldareysatay inay xaliso waxyaabo badan oo ka qaldoomay oo sababay in askartaan…

Sheekh Shariif: Maanta waa maalin ku weyn dalkeena, waxaana …

Muqdisho (Axadle) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo sidoo kale ah guddoomiyaha Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa war kasoo saaray dastuurkii u horeeyay ee Soomaaliya ay yeelato, kaasi oo ku asteysnaa muddo 60 sanno ka hor maanta oo kale. Sheekh Shariif ayaa maanta oo ku suntan maalintii ugu horeysay ee umadda Soomaaliyeed ay afti u qaadeen, kuna ansixiyeen dastuurkii ugu horeeyay ee Jamhuuriyada ayaa ku tilmaamay…

Sawirro: Xafsa Maxamed oo laga soo bad-baadiyey afduubka aya…

Nairobi (Axadle) – Xafsa Maxamed Luqmaan oo ah gabar Soomaaliyeed oo 23 jir ah, oo dhowaan lagu waayey xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ayaa waxaa soo badbaadiyey booliska magaalada Kayole, oo lagu haystay. Xafsa oo ku nooleyd Xaafada California Estate ee magaalada Nairobi, waxaana sida la xaqiijiyey la afduubtay Maalintii Talaadada aheyd oo ay taariikhda ku beegneyd 15-ka June 2021. Waxaa laga soo badbaadiyay guri cidlo ah oo ku yaal Matopeni oo ka tirsan xaafadda isku raranta ah ee Kayole ee magaalada Nairobi,…

Soomaaliya iyo Ethiopia oo heshiis cusub kala saxiixday – Ca…

Muqdisho (Axadle) – Heshiiskii ugu horeeyey ee noociisa ah ayey maanta Caasimadda Muqdisho ku kala saxiixdeen dowladaha Soomaaliya iyo Ethiopia, kaasi oo qaadka Ethiopia lagu bedelanayo Kalluunka Soomaaliya. Munaasibada lagu kala saxiixanayey heshiiskaas oo saaka ka dhacday garoonka Caasimadda Muqdisho ee Aadan Cadde, ayaa waxaa ka qeyb-galay Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee xukuumadda federalka, Cabdullaahi Bidhaan Warsame, iyo…

Sawirro: 24 dagaal-yahan oo ka tirsanaa Shabaab oo lagu dila…

Baydhabo (Axadle) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay howl-gal qorsheysan oo ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed saacadihii lasoo dhaafay ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Baay. Howl-galka ayaa daba socday weeraro ay Al-Shabaab ku qaadeen saldhigyo ciidamada dowladda ay ku leeyihiin degmada Diinsoor ee gobolka Baay, kuwaas oo ay jawaab ka bixiyeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo isku…