Skip to content
Saturday, August 8, 2026 Mogadishu 29°C Breaking: UK Police Reopen Old Investigation Into Widdecombe Death
Breaking News
Axadle
Somalia English

NISA oo howlgal uga jawaabtay weerar lagu qaaday xarun ay ku leedahay Gobolka Hiiraan!

Follow
NISA-oo-howlgal-uga-jawaabtay-weerar-lagu-qaaday-xarun-ay

Al-Shabaab ayaa weerartay Bar kontorool oo Ciidamada Nabadsugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ku leeyihiin Deegaanka Ceel-jaalle Duleedka Magaalada Baladweyne Xarunta Gobolka Hiiraan.

Goobta la weeraray waxaa lagu hubiyaa gaadiidka iyo dadka gudaha u galaya Magaalada Baladweyne iyo kuwa ka baxaya, waana barta NISA ay kala socoto dhaq-dhaqaaqa Xarunta Gobolka Hiiraan.

Ciidamada Nabadsugidda ayaa sameeyay howlgal jawaab u ah weerarka Al-Shabaab, waxa ay gacanta ku dhigeen shaqsiyaad ay ku tuhmayaan in ay katirsan yihiin ama xiriir uu kala dhaxeeyo.

Baaris kooban, dadka qaar ayaa lasii daayay, halka shaqsiyaadka kale ay u wateen xarumahooda ciidanka si ay u mariyaan baaritaan kale oo ay ku hubinayaan Al-Shabaabnimada ay ku tuhuntay NISA.

Inta badan Nabadsugidda warbaahinta lama hadasho, waxaana la hubin inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha ka gaaray weerarka Al-Shabaab ee barta hubinta ah ee duleedka Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Axadle