Skip to content
Sunday, September 20, 2026 7 Rabi al-Thani 1448 AH Dhuhr 11:51
Muqdisho 27°C
Breaking: US Military Says Four People Killed in Caribbean Boat Strike
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia English

Lafta-gareen oo shaaciyey liiska musharaxiinta

Follow
Newsroom published Updated 5 years ago 1-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~1 min audio

Baydhaba (Axadle) – Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa soo saaray liiska shan ka mid ah musharaxiinta Aqalka Sare ee laga soo dooranayo maamulkaas iyo sida ay u tartami doonaan.

- Advertisement -

Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu doornayaa 10 xildhibaan oo Aqalka Sare ah, waxaana shanta kursi ee musharaxiintooda la shaaciyey, iyo sida ay isugu aadeen ay kala yihiin:-

1- Aadan Cabdinasir Maxamed iyo Maxamed Xasan Aadan.2- Dr. Xuseen Maxamed Daahir iyo Xasan Maxamed Nuur.3- Zamzam Ibrahim Cali iyo Shariifo Xaji Cusmaan lbraahim.4- Maxamuud Maxamed Cabdinuur (Garabeey) iyo Nuur Baabul Cadow.5- Ayaan Aadan Cabdullahi iyo Farxiyo Nuur Aadan.

Dhinaca kale, Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Dawlad Goboleed ee Koonfur Galbeed ayaa soo saaray jadwalka doorashada, waxayna sheegeen in doorashada shanta kursi ee la shaaciyey ay dhici doonta 2-da bisha August.

Diiwaan gelinta, qabashada codsiyada iyo shubitaanka qidmooyinka ee musharaxiinta Aqalka Sare ayaa loo qoondeeyey maalinta Axadda ee kowada bisha August.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa noqon doona midkii labaad ee qabta doorashada Aqalka Sare kadib maamulka Jubaland oo qabtay Khamiistii lasoo dhaafay.

Hoos ka aqriso liiska musharaxiinta iyo jadwalka doorashada.

How do you rate this story?

0 votes