Skip to content
Wednesday, November 25, 2026 14 Jumada al-Thaniyah 1448 AH Isha 18:58
Muqdisho 27°C
Degdeg Thomas Markle Charged With Possessing Child Sexual Abuse Images
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia Af-Soomaali

Itoobiya oo dhinacyada ku dagaallamaya Sudan ku casuuntay wada-hadallo

Follow
Itoobiya oo dhinacyada ku dagaallamaya Sudan ku casuuntay wada-hadallo

ADDIS ABABA — Dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday gogol-xaar diblomaasiyadeed oo loogu yeerayo kooxaha hubeysan, siyaasiyiinta iyo ururrada bulshada rayidka ah ee dalka Suudaan, si xal loogu helo colaadda dalkaas ka aloosan iyadoo Addis Ababa ay ballanqaadday inay martigelinayso isla markaana dhexdhexaadinayso wadahadal loo dhan yahay, sida uu shaaciyay Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed.

Warsaxaafadeed uu maanta ku daabacay luuqadda Carabiga ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ku faahfaahiyay qorshe cusub oo ay xukuumaddiisu dajisay, kaasoo diiradda lagu saarayo sidii loo damin lahaa colaadda dhiigga badan ku daatay ee Suudaan, laguna unki lahaa marin siyaasadeed oo horseeda xasilooni waarta.

Wuxuu tilmaamay in xukuumaddiisu ay diyaarisay madal ay iskugu imaan karaan hoggaanka ciidamada qalabka sida, xoogagga siyaasadda iyo hoggaamiyeyaasha qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah ee reer Suudaan, si loo helo fagaare wadatashi oo daahfuran isla markaana loo wada dhan yahay.

Abiy wuxuu hoosta ka xariiqay in hardanka hubeysan ee Suudaan ka qarxay 15-kii Abriil 2023 uusan ku koobnayn oo qura loolan siyaasadeed ama mid amni, balse uu isu rogay masiibo bini’aadantinimo oo culeys weyn ku haysa waddamada deriska ah iyo guud ahaan xasiloonida gobolka.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu hoggaamiyaha Itoobiya iftiimiyay xiriirka faca weyn ee dhinacyada taariikhda, dhaqanka iyo bulshada ee labada dal ka dhexeeya, isaga oo xaqiijiyay in xanuunka iyo dhibaatada Suudaan haysata ay si toos ah u taabanayaan shacabka Itoobiya.

Wuxuu mar kale caddeeyay mowqifka adag ee dalkiisu ku garab taagan yahay madaxbannaanida dhuleed, midnimada iyo xasilloonida Suudaan, isaga oo xusay in xaaladda dalkaas ay xiriir dhow la leedahay amniga iyo deganaanshaha guud ee Geeska Afrika.

Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa dib u soo celiyay kaalintii wax-ku-oolka ahayd ee Addis Ababa ka qaadatay heshiisiintii Suudaan ee sanadkii 2019, xilligaas oo dowladdiisu dadaal badan galisay isu soo dhoweynta hoggaanka milatariga iyo xoogagga rayidka ah, si loo meelmariyo rabitaankii shacabka Suudaan ee ku aaddanaa maamul madani ah.

Sidoo kale, waxa uu meesha ka saaray in tallaabadan cusubi ay xambaarsan tahay dano siyaasadeed oo gaar ah ama ay u eexanayso dhinac ka mid ah kooxaha dirirsan, isaga oo ku nuuxnuuxsaday in hadafku yahay oo keliya ka-qaybqaadashada xakameynta iyo soo afjaridda colaadda dhiiggu ku daatay.

Wuxuu carabka ku adkeeyay in Itoobiya ay garoon dhex-dhexaad ah u noqon doonto dhinacyada is-haya, isla markaasna ay fududeyn doonto wadahadal dhab ah oo kalsooni lagu qabi karo, si dadka Suudaan ay iyagu mustaqbalkooda uga go’aan gaaraan.

Qorshahan ayaa tub u jeexaya in is-afgarad buuxa laga gaaro hannaanka kala-guurka siyaasadeed iyo dhismaha dowlad midnimo qaran oo helaysa kalsoonida iyo taageerada dhammaan qeybaha kala duwan ee shacabka reer Suudaan.

Ugu dambeyntii, Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa carrabka ku adkeeyay inaan xal dibadda laga soo dhoofiyay lagu gaari karin nabad dhab ah, isagoo ku adkaystay in aaya-ka-tashiga Suudaan uu yahay mas’uuliyad u taalla shacabka dalkaas, iyadoo lagu gaarayo hannaan siyaasadeed oo loo dhan yahay.

AXADLETM

Sidee u aragtaa warbixintan?

0 votes