U bood qoraalka
Sunday, November 1, 2026 20 Jumada al-Ula 1448 AH Fajr 04:30
Muqdisho 26°C
Deg-deg: FBI ayaa sheegtay in Kuuriyada Waqooyi ay ka dambeysay xatooyada lacagaha loo yaqaan cryptocurrency ee Binance oo gaareysa $6 bilyan
Warar Deg-deg ah
Axadle
Axadle Newsroom Somalia Af-Soomaali

Galmudug oo soo Gudbisay xubnaha Guddiga Doorashada 20/21 ku

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 1-minute read

Hogaamiyaha DG Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa magacaabay xubnaha Guddiga farsamada & xalinta khilaafaadka oo laga doonayay 10-kii ilaa 20-ka bishaan oo muddo saddex cishe laga soo gudbay.

Wakiilada Galmudug ee Doorashada Federaalka 20/21 ayaa la soconaya howsha xulista Ergada Beelaha, hubinta Waxgaradka iyo waxyaabaha la xiriira habsami u socodka doorashada Baarlamaanka Soomaaliya.

- Advertisement -

Guddigaan ayaa la shaqeynaya xubnaha kale ee ka kala imaanaya DG Puntland, Jubbaland, Koofur Galbeed, Hir-Shabeelle, Wakiilada Gobaladda Waqooyi, Gobolka Banaadir & Dowladda Federaalka.

Maalmaha soo socda marka lasoo dhameysto waxa ay yeelanayaan kulankooda ugu horeeyo, iyaga oo iska dhex dooran doona guddoon KMG ah oo abaabula doorashada ay ku loolamaan dhexdooda si Guddoomiye, ku xigeen, Xoghaye, Afhayeen iyo Guddoomiyaha dhanka Maaliyadda isaga dhex doortaan.

Hab qaybsiga Xubnaha Guddiga ayaa lagu saleeyay nidaamka beelaha Galmudug ku qaybsadaan kuraasta hay’adaha kala duwan sida ku cad magacyada shaqsiyaadka Guddigaan lasoo gudbiyay.

Magacyada Xubnaha ayaa kala ah:

1-Garaad Yuusuf Maxamuud-Xubin Gudigga Xalinta Qilaafaadka (Murusade).

2-Mustaf Macalin Cali Salaad-Xubin Gudigga Xalinta Qilaafaadka (Dir/Surre)

3-Cabdicasiis Cabdiraxmaan Yuusuf-Xubin Gudigga Doorashooyinka (Mareexaan)

4-Liibaan Axmed Xasan-Xubin Gudigga Doorashooyinka (Sacad).

Axadle

Sidee u aragtaa warbixintan?

0 votes