Baydhabo (AX) — Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa beeniyay eedeymaha dowladda federaalka ee sheegaya in ciidamada isaga taageersan ay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab, isaga oo ka digay in eedeymahaasi halis gelin karaan shacabka isla markaana sii xumeyn karaan qalalaasaha siyaasadeed ee Soomaaliya.
Bayaan la soo saaray 27-ka Agoosto, xafiiska Laftagareen ayaa walaac ka muujiyay qoraal xusuuseed 21-kii Agoosto kasoo baxay Guddiga Midowga Afrika oo ku saabsanaa codsi ay dowladda federaalka Soomaaliya u gudbisay Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).
- Advertisement -
Bayaanka ayaa Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed ku tilmaamay ciidan amni oo si sharci ah loo dhisay, loona igmaday ilaalinta shacabka, hay’adaha dowladda, amniga iyo nidaamka dastuuriga ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
“In ciidamadaas lagu tilmaamo ‘maleeshiyaad xiriir la leh Al-Shabaab,’ iyada oo aan la hayn caddeymo si madax-bannaan loo xaqiijiyay, waxay halis gelinaysaa shacabka iyo ciidamada amniga, sidoo kalena waxay dhaawici kartaa kalsoonida dadweynaha ee AUSSOM,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Xafiiska Laftagareen ayaa ka digay in murannada siyaasadeed ee Soomaaliya lagu dhex qaldo ololaha caalamku taageero ee ka dhanka ah argagixisada.
Sida bayaanka lagu sheegay, khilaafaadka u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah federaalka waa in lagu xalliyo wada-hadal, habraacyada dastuuriga ah iyo geeddi-socod siyaasadeed oo loo dhan yahay.
“Adeegsiga awood ciidan si loo gaaro ujeeddooyin siyaasadeed wuxuu sii xoojin karaa rabshadaha, barakaca iyo kala-qaybsanaanta bulshada,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Xafiiska Laftagareen ayaa sheegay inuu aqoonsan yahay oo uu qiimeynayo naf-hurnimada ciidamada Midowga Afrika iyo doorkooda joogtada ah ee taageeridda nabadda iyo amniga Soomaaliya.
Waxa uu sidoo kale soo dhaweeyay waxa uu ku tilmaamay farriin cad oo ku jirta qoraalka Midowga Afrika oo AUSSOM ku waajibinaysa inay ahaato mid siyaasiyan dhexdhexaad ah oo aan eex lahayn, isla markaana ka fogaata ka qaybgalka murannada siyaasadeed ee gudaha Soomaaliya.
“Waxaan ugu baaqeynaa Midowga Afrika iyo AUSSOM inay si buuxda u ilaaliyaan tilmaantan ayna sameeyaan xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan xaqiiqooyinka ka hor inta aysan taageerin ama ka qaybgelin tallaabo ciidan oo kasta,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Xafiiska ayaa sidoo kale ku boorriyay in laga feejignaado tallaabo kasta oo keeni karta rabshado, duqeyn, barakac ama khasaare soo gaara shacabka Baydhabo iyo deegaannada u dhow.
Waxa uu sheegay in hawlgal kasta uu waafaqsanaado sharciga caalamiga ah ee bani’aadannimada, waajibaadka ilaalinta shacabka iyo xeerarka hawlgalka ee AUSSOM.
Xafiiska Laftagareen ayaa ugu baaqay dalalka ciidamada ku biiriya AUSSOM, Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo saaxiibada caalamka inay diidaan xog aan la xaqiijin iyo eedeymo uu ku tilmaamay kuwo siyaasadaysan.
Waxa uu sheegay in mas’uuliyiinta Koonfur Galbeed ay diyaar u yihiin inay bixiyaan xogta khuseysa ayna ka qayb qaataan hannaan madax-bannaan oo xaqiiqo-raadis ah, iyaga oo mudnaanta siinaya wada-hadalka, xasilloonida iyo ilaalinta shacabka Soomaaliyeed.
Bayaankan ayaa daba socday sheegashooyinkii ugu dambeeyay ee dowladda federaalka Soomaaliya oo ahaa in ciidamada daacadda u ah Laftagareen ay yihiin maleeshiyaad xiriir la leh Al-Shabaab islamarkaana ay marar badan weerareen Baydhabo si ay ula wareegaan gacan ku haynta magaalada.
Garabka Laftagareen ayaa diiday xiriir kasta oo lala yeesho Al-Shabaab.