U bood qoraalka
Sunday, October 25, 2026 13 Jumada al-Ula 1448 AH Fajr 04:30
Muqdisho 26°C
Deg-deg: Dhulgariir ka dhacay Tibet oo dilay 16 qof, tobannaan kalena dhaawacay
Warar Deg-deg ah
Axadle
Axadle Newsroom Somalia Af-Soomaali

DFS oo sheegtay in ay dishay Madaxii Hoobiyaasha Al-Shabaab

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 1-minute read
DFS-oo-sheegtay-in-ay-dishay-Madaxii-Hoobiyaasha-Al-Shabaab

Taliyaha Ururka 143-aad ee CXD Soomaaliya Dhamme Axmed Xasan Siyaasad oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in howlgal qorsheysan oo ka dhacay Shabeelaha Hoose lagu dilay sarkaal Al-Shabaab muhiim u ahaa.

Dhamme Axmed Xasan ayaa sheegay in sarkaalka la dilay & Ilaalo la socotay ay ku sugnaayeen deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose, isla markaana Ciidanka fuliyay weerarka ay heleen xogtiisa.

- Advertisement -

Sarkaalkaan la dilay waxa uu taliska Militariga Soomaaliya ku sheegay in uu Al-Shabaab u qaabilsanaa weerarada Hoobiyaasha loo adeegsado ee ka dhaca Gobolka Shabeelaha Hoose DG Koofur Galbeed.

Taliyaha Ururka 143-aad ee CXD Dhamme Axmed Xasan Siyaasad ayaa sheegay in sarkaalka iyo 16-kale oo katirsan Al-Shabaab lagu dilay howlgalkaan ka dhacay deegaanka Bariiri ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Magaca sarkaalka Al-Shabaab ee la dilay waxa ay Dowladda Federaalka ku sheegtay Abuu Nuur Mukhtaar oo ku magac dheer Gaabshe, saraakiisha ayaa sheegay in ninkaan uu muddo qaabilsanaa tuurista hoobiyaasha.

Al-Shabaab kama aysan hadlin howlgalkaan, maalmihii lasoo dhaafay Gobolka Shabeelaha Hoose waxaa ka socday howlgal Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ka sameynayaan deegaanno dhowr ah oo katirsan Gobolkaas.

Axadle

Sidee u aragtaa warbixintan?

0 votes