Saraakiil Maraykan ah oo xaqiijiyay in hogaamiyaha Daacish ee Soomaaliya lagu bartilmaameedsaday duqayn cirka ah

 
Axad, Juun, 16, 2024 (AX) – Duqayn uu Maraykanku ka fuliyay Soomaaliya dabayaaqadii bishii May, ayaa lala beegsaday hoggaamiyaha ugu sarreeya kooxda Daacish ee Soomaaliya, balse ma cadda in lagu dilay duqayntaas, sida ay sheegeen saraakiil Maraykan ah.
Cabdulqaadir Muumin ayay Mareykanku u aqoonsadeen inuu yahay madaxa kooxda Daacish ee Soomaaliya, oo xiriir la leh Daacishta caalamiga ah.
Bayaan ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa lagu shaaciyay in 31-kii bishan ay duqeyn cirka ah ka fuliyeen deegaan kuyaala bariga fog ee Waqooyi Bari, kaasi oo lagu dilay Saddex horjooge oo gacan saar la leh Kooxda Daacish.
War saxaafadeedka laguma sheegin xog sax ah oo ku saabsan cidda sida gaarka ah loogu bartilmaameedsaday duqeynta.
Saddex sarkaal oo Maraykan ah ayaa xaqiijiyey in bartilmaameedka duqaynta uu ahaa hoggaamiyaha ugu sarreeya kooxda Daacish ee Soomaaliya, Cabdiqaadir Muumi. Si kastaba ha ahaatee, saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in aysan kala caddeyn in Muumin lagu dilay duqeynta.
Cabdiqaadir Muumin ayaa ah aasaasihii iyo hoggaamiyaha Daacishta Soomaaliya ee ka hawlgasha aagga maamul-goboleedka Waqooyi Bari.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More