Waqooyi Bari iyo Galmudug oo sheegay in awood ciidan loo adeegsandoono joojinta dagaal beeleed ka socda bariga gobolka Mudug

 
Isniin, Juun, 24, 2024 (AX) – Ku dhawaad 10 qof ayaa ku geeriyooday, halka 15 kalena ay ku dhaawacmeen dagaal labo maleyshiyo beeleed ku dhexmaray degaanka Labi Maygaag oo dhaca bariga gobolka Mudug.
Labada maleyshiyo beeleed ee dagaalamaya ayaa kasoo kala jeeda Waqooyi Bari iyo Galmudug, wuxuuna dagaalku salka ku hayaa muran deegaanka ah iyo aanooyin qabiil oo isbiirsaday.
Waxaa socda dadaalo ku aaddan sidii loo damin lahaa colaadda labada beel, taasoo galaafatay nolasha dad u badan dhinacyada dagaalamaya.
Guddoomiyayayaasha gobolka Mudug ee labada maamul, ayaa sheegay in awood ciidan loo adeegsandoono joojinta colaadda labada dhinac.
Waxay sheegeen in si degdeg ah ciidamo isku dhaf ah loogu diridoono halka ay colaaddu ka socoto.
Dagaalkii shalay oo saacado badan socday ayaa si iskiis ah u qaboobay, waxaana laga cabsi qabaa inuu maanta mar kale dib u bilowdo, iyadoo labada maleyshiyo beeleed ay wadaan abaabul ciidan.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More