Maamulka gobolka Banaadir oo ka hadlay khasaaraha ka dashay roob xoogan oo Muqdisho ka da’ay

 
Isniin, Juun, 24, 2024 (AX) – Inta la xaqiijiyay laba caruur ah ayaa ku geeriyootay roob xoogan oo 24-kii saacadood ee la soo dhaafay ka da’ay gudaha magaalada Muqdisho10 saacadood oo xiriir ah.
Roobkaan oo ahaa kii ugu xoogana ee ka da’a mudooyinkaan dambe gudaha magaalada Muqdisho ayaa dhaliyay khasaarooyin isugu jira dhimasho, dhaawac, burburka guryo iyo wadooyin muhiim ahaa.
Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Saalax Dheere ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in roobkii shalay ka’ay magaalada Muqdisho uu sababay geerida labo carruur ah, kadib markii ay buuxsameen warihii ku yaallay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.
“Roobka 24-kii saac ee lasoo dhaafay ka da’ay degmooyinka Muqdisho waxaa ku geriyooday 2 caruur ah mid kalana waxa laso badbadi isago xaalad qatar ah ku jiro, waxa sido kale burburay wadooyinka isku xira dabka iyo Bakaraha, Imagareshinka iyo Sheekh Cali Suufi oo ahaa wadooyin la dhisay sanadahii 2016 iyo 2018” ayuu yiri Afhayeen Saalax Dheere.
Si kastaba ha ahaatee roobkii Muqdisho ka da’ay 24-kii saacadood ee la soo dhaafay ayaa wali saameyntiisa si weyn looga dareemaya dhamaan degmooyinka gobolka Banaadir.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More