Nin hubeysnaa oo sadax Israa’iiliyiin ah ku dilay xadka Urdun iyo Daanta Galbeed
Isniin, September, 9, 2024 (AX) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar uu ka geystay xaduuda u dhaxeysa Urdun iyo Daanta Galbeed ee la heysto nin u dhashay dalka Urdun oo watay gaari xamuul ah.
Ninkaan weerarka fuliyay oo ah Darawal ayaa magaciisa lagu sheegay Maher Jazi, kaasoo weerarka ka fuliyay meel u dhaw buundada Allenby ee ka soo gudubta dhanka Urdun isagoo watay gaariga xamuul ah.
Saraakiil ka tirsan Militariga dalka Israa'iil ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ninkaan uu rasaas ku furay ciidamada difaaca…