Howlgal lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab iyo horjoogahoodii oo ka dhacay gobolka Galgaduud

 
Arbaco, Juun, 26, 2024 (AX) – Askarta xoogga dalka oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa howlgal qorsheysan oo lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab ka fuliyay deegaano hoostaga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.
Howlgalka ayaa ciidamadu waxay si gaar ah ugu fuliyeen deegaanka Cali cadhoole oo qiyaas ahaan dhanka Waqooyi uga beegan Ceeldheer 33 KM, halkaas oo lagu dilay 7 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-shabaab.
Taliyaha Guutada 24-aad Khaalid Binu Waliid ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Dhexe Maxamed Dhegaweyne ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in ciidanka sidoo kale howlgalka ay kusoo furteen hub iyo sahay ciidan oo ay wateen xubnaha la dilay.
“Ciidamada ayaa ka war-helay in kooxdaasi ay si dhuumaaleysi ah ku joogto goobta lagu weeraray, waxaana u suurta-gashay inay soo afjaraan, iyagoo soo bandhigay sawirrada meydadka dhagarqabayaashii la dilay oo horjoogihii hoggaaminayey uu ku jiro iyo goobihii ay gabaadka ka dhiganayeen oo lagu burburiyey howlgalka” ayaa lagu yiri war kasoo baxay dowladda.
Gobolka Galgaduud ayaa ka mid ah gobolada ay sida xoogan uga socdaan howlgalada ka dhan ah kooxda Al-shabaab, waxaana marar badan deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolkaas ciidamadu ka fuliyeen howlgalo guuleystay.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More