Gobaladda Waqooyi oo sheegtay in Hogaamiyaha Soomaaliya rabo in uu soo celiyo colaadii Soomaalida iyo Itoobiya

 
Jimco,  Juun, 28, 2024 (AX) – Xukuumada Gobaladda Waqooyi ayaa Hogaamiyaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku eedaysay in uu rabo in uu dib u huriyo colaadii mudada qarniyada ah ka dhaxaysay Soomaalida iyo Itoobiya.
Wasiirka Arrimaha Guddaha Gobaladda Waqooyi Maxamed Kaahin Axmed ayaa Hogaamiye Maxamuud ku eedeeyay in uu rabo in uu dib u bilaabo colaadii diinta, dhulka iyo isirka ku salaysnayd ee mudada dheer dhextaalay Soomaalida iyo Itoobiya.
“Xasan waxan leeyahay adiga balaayo kuma hayso, dadka reer Soomaaliya balaay ma hayso, dadka reer Gobaladda Waqooyi-na balaayo ma hayso, waxan rajaynayaa in balaayada aad sahadinaysa adiga kugu koobnaato” ayuu yidhi Wasiir Kaahin.
Waxa uu sheegay in Hogaamiye Xasan Sheekh Maxamuud uu dhibaato la magaanyahay Gobaladda Waqooyi, isaga oo la hadlaya shacabka reer Muqdisho, ayuu sheegay in barigii horena ay dowladii kacaanku sabab u ahayd burburkii, imika uu nin aan talo badan gacmaha ku haynin dhibaato ka dhex abuurayo shacabka Soomaaliyeed, isaga oo ula jeeda Hogaamiye Maxamuud.
Waxa uu sheegay in Gobaladda Waqooyi ay diyaargarow ugu jirto in ay is difaacdo, isaga oo sheegay in ciidamo kale oo cusub oo dhallinyaro ah la qorayo, isla markaana xeryaha tababarada dib loo furayo.
Xukumadda Soomaaliya ayaa shalay Gobaladda Waqooyi ku dartay mid kamid ah khataraha amni ee ay wajahayso.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More