Browsing Tag

howlgal

Howlgal lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab iyo horjoogahoodii oo ka dhacay gobolka Galgaduud

  Arbaco, Juun, 26, 2024 (AX) - Askarta xoogga dalka oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa howlgal qorsheysan oo lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab ka fuliyay deegaano hoostaga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.Howlgalka ayaa ciidamadu waxay si gaar ah ugu fuliyeen deegaanka Cali cadhoole oo qiyaas ahaan dhanka Waqooyi uga beegan Ceeldheer 33 KM, halkaas oo lagu dilay 7 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-shabaab.Taliyaha Guutada 24-aad Khaalid Binu Waliid ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Dhexe…

Midowga Afrika oo taageeray codsiga Soomaaliya ee dhismaha howlgal cusub oo badala ATMIS

 Jimco, Juun, 21, 2024 (AX) - Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa taageeray codsiga Soomaaliya ee ku aaddan in la dhiso howlgal cusub oo uu hoggaaminayo Midowga Afrika, ka dib marka uu dhamaado howgalka ATMIS.Warsaxaafadeed kasoo baxay kulan ay yeesheen guddiga ammaanka iyo nabadda ee Midowga Afrika ayaa lagu sheegay, in howlgalka cusub ee Midowga Afrika uu diiradda saari doono taageeridda dowladda federaalka ah si loo wiiqo Al-Shabaab iyo ka qayb qaadashada hawlgalada ka hortagga kooxaha…

Kumaandooska Gorgor iyo Ilaalo Qaran oo howlgal ka dhan ah Al-shabaab ka sameeyay gobolka Hiiraan

 Talaado, Juun, 18, 2024 (AX) - Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa howlgal sifeyn ah oo ka dhan ah Al-shabaab ka sameeyay deegaano dhowr ah oo hoostaga degmada Buula burte ee gobolka Hiiraan.Howlgalkaan sifeynta ah ayaa ciidamadu ka fuliyeen qaar ka mid ah deegaanada hoostaga Buula burte saacadahii lasoo dhaafay, waxaana iska kaashaday howlgalkaas ciidanka kumaandooska Gorgor iyo kuwa loo yaqaano Ilaalo Qaran ee ka howlgalada gobolka Hiiraan.War kooban oo kasoo baxay Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu…

20 katirsan Shabaab iyo horjoogayaashooda oo lagu dilay howlgal ka dhacay buuraha Calmadow ee Waqooyi Bari

 Axad, May, 26, 2024 (AX) - In ka badan 20 katirsan kooxda Alshabaab ayaa lagu dilay, tiro intaasi ka badanna waa lagu dhaawacay hawlgal ay iska kaashadeen dowladda federaalka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka, kaasi oo ka dhacay buuraha Calmadow ee deegaannada Waqooyi Bari.Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalkan sidoo kale lagu qaarijiyay 3 kamid ah horjoogayaasha Shabaab. kuwaas  oo ku dhuumaalaysanayay buuraha Calmadow.Sida ay dowladdu sheegtay, Hawlgalkan ayaa lagu…

Howlgal lagu dilay xubin ka tirsan Al-shabaab oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose

 Axad, May, 19, 2024 (AX) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 26-aad guutada 6-aad ee qeybta 60-aad ayaa howlgal qorsheysnaa Xalay ka fuliyay deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.Ciidamada ayaa howlgalka ku dilay xubin ka tirsan kooxda Al-shabaab oo magaciisa lagu sheegay Cabdulqaadir Xaaji Eenoow oo ka mid ahaa xubnaha Al-shabaab ee ka dagaalama deegaanada gobolka shabeellaha Hoose.Taliyaha Ururka 26-aad ee guutada 6-aad dhame Faarax Maxamuud Xirsi oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa…

Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay howlgal ka dhacay gobol Baay

 Axad, April, 5, 2024 (AX) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka oo is kaashanaya ayaa howlgal ka dhan ah kooxda Al-shabaab ka sameeyay deegaanka Sarman dheere ee gobolka Baay.Howlgalka ciidamadu ka fuliyeen deegaanka Sarman dheere oo ay ku sugnayeen kooxda Al-shabaab ayaa lagu dilay xubno isugu jira Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad aanan tiradooda si rasmi ah loo shaacin.War kooban oo kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa lagu sheegay in ciidamada is kaashanaya iney sidoo kale nolosha ku qabteen xubno…

Ka Badan 100 ka tirsan kooxda Al-shabaab oo lagu dilay howlgal ka dhacay gobolka Mudug

Khamiis, April, 25, 2024 (AX) - Xukumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa Sharaaxdey ka bixisay howlgal culus oo maanta oa dhacay dhulka howdka ah ee ku yaala deegaanka Tabar mooge oo qiyaas ahaan 28 KM dhanka Waqooyi kaga beegan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug. Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya lagu sheegay in howlgalka oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo kuwa saaxiibada Caalamka lagu dilay in ka badan 70 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-shabaab oo isku aruursanaayay deegaankaas.…

Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay howlgal lagu dilay xubno badan oo ka tirsan Al-shabaab

Arbaco, April, 24, 2024 (HOL) - Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa saaxiibada Caalamka ay howlgal ku dileen in ka badan 30 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-shabaab. Howlgalka ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Carfuuda oo qiyaas ahaan magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug uga beegan dhanka Waqooyo 20 KM. Warsaxafadeedka ayaa lagu sheegay in ciidamada iskaashanaya ay beegsadeen labo xarumood oo kala…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More