In ka badan 20 ruux oo ku geeriyootay dagaal beeleed ka dhacay Galbeedka gobolka Mudug

 
Jimco, Juun, 28, 2024 (AX) – Wararka naga soo gaaraya Galbeedka gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta xaalad daganaasho aan caga buuran ku taagneyn ay ka jirto deegaanadii Shalay ay ku dagaalameen laba maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda beelaha Sacad iyo Leelakase.
Labada Maleeshiyo beeleed ayaa Shalay ku dagaalamay deegaano hoostaga Goldogob iyo Saax qurun, waxaana lasoo wariyay in dagaalkii Shalay ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya 20 ruux oo labada dhinac ah, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 50 ruux oo kale.
Labada maleeshiyo beeleed ee wada daga deegaanada ay ku dagaalamayaan ayaa weli is horfadhiya, waxaana mararka qaar laga maqlaya goobaha ay isku hor fadhiyaan labada dhinac rasaas goos goos ah oo ay is weydaarsanayaan.
Maamulada Galmudug iyo Puntlanad ayaa wada dadaalo ku aaddan sidii xabada loo joojin lahaa, loona kala qaadi lahaa labada maleeshiyo beeleed ee wali is horfadhiya.
Ugu dambeyntii qaar ka mid ah deegaanada iyo degmooyinka maamulka Galmudug waxaa inta badan ka dhaca dagaal beeleedyo dhexmara beelaha walaalaha ah ee wada daga gobolada Mudug iyo Galgaduud, kuwaas oo isku geysta khasaarooyin dhimasho iyo dhaawacba leh.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More