Wasiir Fiqi “Waa Nasiib daro weyn in maalmaha Xuriyada oo lagu jiro Hargeysa lagu qaado hees lagu amaanayo Qowmiyad Itoobiyaan ah”

 

Jimco, Juun, 28, 2024 (AX) – Wasiirka Wasaaradda arrimaha Dibadda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa si adag uga hadlay in magaalada Hargeysa dhexdeeda lagu qaado hees lagu amaanayo Qowmiyad ka mid ah Qowmiyadaha Itoobiya, iyadoo la maamusayo maalmaha Xuriyada dalka.
Wasiir Fiqi ayaa nasiib daro weyn ku tilmaamay in dhalinyaro Soomaaliyeed oo la marin habaabiyay ay ku luuqeyaan hees loogu gafayo magaaloyinka Muqdisho iyo Garoowe, islamarkaana lagu amaanayo Qowmiyada Axmaarada oo hadana dad waa wayn ay madaxa la ruxayaan heestaas.
Wuxuu sidoo kale sheegay Wasiirka in dadka ku nool gobolada Waqooyi ee Gobaladda Waqooyi iney yihiin dad wanaagsan, hayeshee siyaasiyiinta dadkaas hoggaaminaysa halkaas siyaasad ahaan ay la gashay.
“Ayaan darro waxaa ahayd in iyada oo lagu jiro maalmaha xorriyadda oo dhiig badan, dhacaan  dadaal badan dadkeennii hore ee halgamayaasha ah ay ku bixiyeen in Hargaysa laga qaado Hees lagu amaanayo Qowmiyad Itoobiyaan ah, dhallinyaradaas la marin habaabiyay wax dambi ah oo weyn ilama lahan, laakiin waxaa ka daran Odoyaasha horfadhiyay ee siyaasadda u arka ee madaxa u ruxuyay mana ahan wax ay filayeen Dadka Soomaaliyeed, laakiin waalida odoyaash soo wadaan way muuqatay” ayuu yiri Wasiir Axmed Macalin Fiqi.
Hadalkan kasoo yeeray Wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa daba socda  Munaasabad lagu maamuusayay xuska 64 sano guurada kasoo wareegtay markii xorriyadda ay qaateen gobolada Waqooyi oo lagu qabtay Hargeysa oo lagu soo bandhigay suugaan ay ka dhex muuqatay hees falcelin badan dhalisay oo ay ku luqeeyeen dhallinyaro ku cusub Fanka, waxaana xigtay heestaas heeso kale oo jawaab looga dhigay.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More