Hoggaamiye Cali Jayte “Dagaalka qabiilka dib noogu dhiga ee aan galno dagaalka Khawaarijta idinko mideysan”
“Waxaan doonaya inaad dhalinta i ogolataan oo an ka qeyb galiyo dagaalka Khawaariijta, iyagoo mideysan ayaa dagaalka wada galeyna, alaabteyda waan soo wada qaatay, waxa ii dhimana waxaa ka raba iney ii doonaan Sanbaloolshe iyo Shuute” ayuu yiri Cali Jeyte Cismaan.
Jeyte ayaa sidoo kale sheegay inuu la yaaban yahay sababta ay ku dagaalamayaan labadaan beelood ee walaalaha oo colaadoodu soo laablaabtay marar badan.
“Labadiina beel waxaad isku haysataan waanba fahmi waay beel walba markan hor fariisanay waxay na leedahay walaalahan waxaan ka tabaneyno maleh, hada hadii aad wax tabasho jirin walaalaheena is leedihiin, maxa isku kiin diraya, wiilasha dagaalamaya waxaan leeyahay dagaal hadad qof ku dishan aduun iyo aaqiro leydin haysan baan idin haynahe soo gala waa dagaalka Khawaariijte” ayuu hoggaamiye Jeyte.
Ugu dambeyntii Xaduuda gobolada Hiiraan iyo shabeellaha dhexe ayaa waxaa marar badan kusoo laablaabtay dagaal beeleedka u dhaxeeya Xawaadle iyo Abgaal, kuwaas oo iska dilay dad aad u badan oo kasoo kala jeeda labada beel, waxaana dagaaladaas ay saameyn ku yeesheen isku socodka labada dhinac.