Browsing Tag

dagaalka

Raysal Wasaare Xamse: Waxaan qaadaynaa tallaabo degdeg ah oo aan ku joojinayno dagaalka Luuq

 Isniin, Luulyo, 8, 2024 (AX) - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya  Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku baaqay in si deg deg ah lagu joojiyo dagaal beeleedyada macno darrada ah ee ka socda degmada Luuq ee gobolka Gedo.Ra'iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukumadda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa maamulka goboleedka Jubaland ay qaadayso tallaabooyin degdeg ah oo lagu xaqiijinayo nabadda iyo degenaanshaha degmada Luuq.Xamse waxa uu faray Ciidamada Qalabka Sida in ay u istaagaan ka hortagga dagaallada iyo colaadaha sokeeye oo…

Hogaamiye Xasan Sheekh “Waxaan diyaarinay baahiyaha muhiimka u ah dhameystirka dagaalka Argagixisada”

 Arbaco, Luulyo, 3, 2024 (AX) - Hogaamiyaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maalintii labaad ku sugan furimaha hore ee dagaalka, gaar ahaan deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa halkaas kulan kula qaatay waxgaradka deegaankaas.Hogaamiyaha ayaa deegaankaan u tagay dardar galinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ayaa Odayaasha deegaankaas kala hadlay sidii ay doorkooda uga qaadan lahayeen dagaalka Al-shabaab looga xureynayo deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolka Shabeellaha…

Waqooyi Bari oo baaq nabadeed kasoo saartay dagaalka galbeedka gobolka Mudug

 Khamiis, Juun, 27, 2024 (AX) - Maamulka Waqooyi Bari ayaa baaq nabadeed kasoo saaray colaadda ka taagan galbeedka gobolka Mudug, halkaas oo ay maanta ku dagaalamayaan maleyshiyaad kasoo kala jeeda Waqooyi Bari iyo Galmudug, kuwaas oo isku haysta dhul daaqsimeed.Hogaamiye ku xigeenka ahna ku simaha madaxweynaha Waqooyi Bari, Ilyaas Cilmi Lugatoor ayaa ku baaqay in la joojiyo colaadda iyo xabbadda ka socota galbeedka gobolka Mudug.Hogaamiye ku xigeenka wuxuu sheegay inay direen wafdi ka socday golayaasha maamulkooda, si…

Hogaamiye Xasan Sheekh si faahfaahsan uga hadlay dagaalka Al-shabaab iyo doodaha ka dhashay Dastuurka

 Arbaco, Juun, 12, 2024 (AX) - Hogaamiyaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Norway ayaa Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalkaas u jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysay oo khuseysay xaalada guud ee dalka.Hogaamiyaha ayaa khudbadiisa uga hadlay  arrimo ay ka mid yihiin Amniga, Siyaasadda, Horumarka dalka, Dastuurka iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ka socda qaar ka mid ah gobolada dalka.Wuxuu ku dheeraaday madaxweynaha ka hadlida dhinaca amniga dalka, isagoona xusay in…

Xamse: Ciidamadii aan ugu talo galnay dagaalka Alshabaab waxay kala ilaalinayaan qabaa’ilada dirirsan

 Axad, Juun, 2, 2024 (AX) - Raysal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in kooxda Alshabaab ay bilowday inay colaad ka dhex abuurto qaba’ilada ku nool dhulkii ay ciidamada dowladdu xoreeyeen.Arrintaasi ayuu raysal wasaaruhu sheegay inay gaabis ku keentay howlgalladii dib u xoraynta dalka, isagoo sheeay ciidamadii dowladdu ugu talo gashay dagaalka Alshabaab, in loo diray si ay u kala dhex galaan qabaa’ilada dagaalamaya.“Ciidamadii aan ugu talo galnay inay shaqo kale qabtaan, waxay kaliftay inay…

Taliska ciidanka xoogga dalka oo shaaciyay waqti lasoo afjarayo dagaalka Al-shabaab

 Axad, Juun, 2, 2024 (AX) - Taliye ku xigeenka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Maadeey Sheekh Nuur ayaa sheegay in bishaan Juun ay soo afjari doonaan howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ka socda gobolada dalka.Jeneraal Maadeey ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka xoogga ay guulo la taaban karo kasoo hoyeen dagaaladii ay la galeen kooxda, isagoona goob fagaare ah ka balan qaaday in waqti kooban kusoo gabageynayaan dagaalka Al-shabaab.Taliye ku xigeenka ciidanka xoogga dalka ayaa tlmaamay in dhamaan…

Taliyaha Nabadsugida Qaranka oo beeshiisa ka dalbaday in dib u bilaabaan dagaalka Al-shabaab

Jimco, May, 31, 2024 (AX) - Waxaa galinkii dambe ee maanta ka furmay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan shirka Nabadda iyo midnimada Cali Hogaamiye oo ka mid ah Beelaha Xawaadle.Shirkaan ayaa waxaa ka qeybgalay qeybaha kala duwan ee beesha Cali Hogaamiye sida Nabadoono, Waxgarad, Aqoonyahano, Dhallinyaro, Haweeno, Ganacsato, siyaasiyiin, Xildhibaano Saraakiil iyo masuuliyiin ay ka mid yihii Taliyaha NISA, Hoggaamiyaha Macawiisleyda iyo madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle.Shirkaan oo ah mid beeshaasi ay uga tashaneyso…

Hoggaamiye Cali Jayte “Dagaalka qabiilka dib noogu dhiga ee aan galno dagaalka Khawaarijta idinko mideysan”

Arbaco, May, 1, 2024 (AX) - Hoggaamiyaha ciidanka difaaca dadweynaha Cali Jeyte Cismaan oo ka mid ah masuuliyiin dowladda fedaraalka Soomaaliya ay u dirtay xal u helida dagaal beeleedyo ka dhacay deegaano ka tirsan gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ayaa si adag uga hadlay colaada u dhaxeeysa beelaha Xawaadle iyo Abgaal.Cali Jeyte Cismaan ayaa ugu horeyn sheegay in colaada u dhaxeysa labadaan beelood iney tahay mid ay hurinayaan kooxda Al-shabaab ee horay looga xureeyay dhulka lagu dagaalamayo, isagoona ka dalbaday…

Soomaaliya iyo Mareykanka oo ka shiray sidii loo soo afjari lahaa dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab

Arbaco, April, 24, 2024 (AX) - Wasiir ku xigeenka Wasaarada Gaashaandhiga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay kulan saacado badan qaatay oo ay gudaha dalka Kenya kula yeesheen Saraakiil sar sare oo ka socotay Wasaaradda Difaaaca dowladda Maraykanka. Kulanka oo ka dhacay magaalada Nairobi waxa Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga Soomaaliya Cabdifataax Qaasim ku wehlinaayay Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas Ibraahim Shiikh Muxudiin, Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Soomaaliya…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More