Kaddib muddo bil ah oo uu socday tartanka qaramada Yurub, waxa ugu dambayntii la caleemo-saaray Talyaaniga oo noqday horyaalka Yurub markiisii labaad taariikhda.Roberto Mancini ayuu xulkiisa Talyaanigu rikoodheyaal ku garaacay England oo joogta garoonkeeda Wembley, waxaanay diiwaangashadeen taariikh cusub iyagoo 34 ciyaarood oo xidhiidh ah marnaba dhinacooda dhulka la dhigin.Ingiriiska oo gool la homraray, waxa halgan la galay Marco Verratti oo dhexda kala goostay qaybtii dambe, iyadoo kubbad dhiibis, reebis iyo…