Zinedine Zidane Oo Soo Saaray Liiska Ciyaartoyda Real Madrid
Zinedine Zidane ayaa u yeedhay hal ciyaartoy oo difaac ah oo heerka labaad ee Castilla ka tirsan, si uu u buuxiyo booska ay ka dhaawacmeen labada ciyaartoy ee Dani Carvajal iyo Alvaro Odioziola.Real Madrid ayaa ciyaarteeda saddexaad ee xili ciyaareedkan, waxay Axadda ku waajihi doontaa Levante iyadoo raadinaysa guushii saddexaad oo xidhiidh ah kaddib barbaro ay ku bilowdeen kulankii furitaanka oo ay goolal la’aan ku kala baxeen Real Sociedad.Tababare Zidane ayaa soo xushay 20 ciyaartoy iyadoo sharcigu u ogol yahay 23 laacib,…