Man City Oo Dhameystirtay Saxiixa Daafac Adag Oo Ay 62
Manchester City ayaa dhameystirtay saxiixa daafaca reer Portugal, Ruben Dias oo ay 62 milyan ginni uga soo iibsadeen kooxda Benfica.
23 jirkaan daafaca dhexe ayaa u saxiixay kooxda Manchester City heshiis lix sannadood ah isagoo kooxda ku negaanaya ilaa iyo xagaaga 2026.
Ruben Dias ayaa noqonaya saxiixii seddexaad ee tababare Pep Guardiola uu sameeyo xagaagan ka dib Ferran Torres iyo daafaca kale Nathan Ake.
Dias ayaa in ka badan 100 kulan u saftay kooxdas Benfica mudadii seddexda xilli ciyaareed ee uu joogay.…