N’Golo Kante Oo Chelsea Iskaga Tagaya, Sababta Qariibka Ah
Khadka dhexe ee kooxda Chelsea ee N’Golo Kante ayaa isha ku haya inuu gabi ahaanba iskaga tago kooxdaas xilli ay jiraan warar sheegaya inay isku dhaceen tababarahiisa Frank Lampard isaga oo waliba sii tilmaansaday kooxda uu doonayo.Kante ayaa kamida xiddigaha khadka dhexe ee dunida kubadda cagta kuwooda ugu wanaagsan waxaana uu haatan kula maqan yahay kulamada caalamiga ah dalkiisa France kahor kulanka adag ee ay Croatia la yeelan doonaan.Wargeyska ree France ee Le Parisien ayaa hadda shaaca ka qaaday sheeko lama filaan ah…