Liverpool Oo Guul Ay Ku Rafaadday Ka Gaartey Ajax, Man City
Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa guul ay dhibaato adag kasoo martay ka gaadhay Ajax oo ay ugu tagtay waddanka Holland, waxaana tababare Jurgen Klopp uu xili ciyaareedka cusub ee 2020-21 ee Champions League uu ku bilowday guul.Liverpool ayaa gool madi ah oo qaybtii hore uu iska dhaliyey difaaca Ajax ee Tagliafico ku heshay guusha, laakiin kooxda martida loo ahaa ayaa samaysay fursado badan oo ay goolal ku dhalin karayeen, iyadoo ilbidhiqsiyadii ugu dambaysayna ay jamaahiirta Liverpool wadne gariir ku rideen markii ay birta…