Xukumadda Soomaaliya oo Sacba tuntay qaabka loo soo xulay

Shirka golaha wasiirada KMG ah ee Xukumada Faderaalka Soomaaliya 30-July 2020.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa  bogaadiyay guddiga soo xulista Baarlamaanka 2aad ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, waxaana loogu baaqay in ay howlaha dhiman sii dardar geliyaan.

“Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta waxa ay uga mahad celisay Guddiga soo Xulista Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle shaqadii wanaagsaneyd oo ay ka qabteen soo xulista xubnaha Baarlamaanka labaad ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay wasaaradda arimaha gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta waxa ay u hambalyaynaysaa Baarlamaanka 2aad ee loo dhaariyay Dowlad Goboleedka Hirshabeele iyo dhammaan bulshada qeybaheeda kala duwan ee ka qeyb qaatay hannaanka geeddi socodka soo xulista Baarlamanka 2aad ee Hirshabeelle.

Dhanka kale guddiga doorashadda gudoonka golaha Wakiiladda Hirshabeelle ayaa shaaciyay Jadwalka doorashadda waxa ayna sheegeen in godoonka la dooranayo maalinta arbacadaa oo ku beegan 4 November 2020.

Bogaadinta Xukumadda Nabad iyo Nolol ayaa imaanaysa iyada oo magaalada Jowhar laga soo sheegayo cabasho la xiriirta musuqmaasuq iyo wax isdaba-marin lagu sameeyay soo xulay Baarlamaanka 2aad ee Hirshabeelle, iyadoo laga taggay shaqsiyaadkii ay duubabka dhaqanka beelaha qaarkood u soo xusheen oo lagu badalay xubno kale oo taageersan qaabka xukumadda u wado doorashadda.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta oo axad ah gaaray magaalada Jowhar ee xarunta u ah dowlad gobolleedka Hirshabeelle,iyadoo maalintii shalay lagu dhaariyay xildhibaannada Baarlamaanka 2aad ee dowlad gobolleedka Hirshabeelle.

Socdaalka Sheekh Shariif ayaa imanaya xili Hirshabeelle isku diyaarineyso doorashada guddoonka Baarlamaanka iyo madaxweynaha dowlad gobolleedka oo dhinac ah marka la eego sida dowladda dhexe saameyn weyn ugu leedahay.

Shariif Sheekh Axmed ayaa ka mid ah siyaasiyiinta ka soo horjeeda hab maamulka dowladda uu madaxeynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaana dad badani ay qabaan in socdaalkiisa Jowhar uu salka ku heyo aragti ka duwan tan dowladda ay ku wajaheyso dhismaha Hirshabeellada cusub.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More