Ronald Koeman Oo Soo Bandhigay BOOSKA Uu Walaaca Ugu Badan

Tababare Ronald Koeman ayaa soo bandhigay walaaca ka haysta kooxdiisa Barcelona iyo halka ay karti-darradu ka haysato ee sababta u ah inay dhibaatoodaan.

Koeman oo xili ciyaareedkan la bilowday Barcelona ayaa afartii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee horyaalka LaLiga ay kooxdiisu guul la’aan ahayd, waxaana laga badiyey laba ciyaarood iyo laba kale oo lala barbarreeyey oo ay ugu dambaysay kulankii Alaves ee shalay ay 1-1 ku kala baxeen.

Inkasta oo Alaves ay 10 ciyaartoy ku dheelaysay 30kii daqiiqadood ee ugu dambeeyey ee ciyaartii xalay, haddana Barcelona waxay awoodi kari wayday inay ka guuleysato, waxaanay tuugsadeen goolka barbarraha oo ay la yimaaddeen intii casaanka la siiyey Alaves kaddib.

Tababare Koeman oo warbaahinta la hadlay ayaa saluug ka muujiyey weeraryahannada kooxdiisa, waxaana uu tilmaamay inay samayn la’ yihiin fursadihii muhiimka ahaa, sidoo kalena aanay goolal dhalinayn.

“Waxa aan ka walaacsanahay bandhigga weerarka. Maaha aha dhibaato dhinaca aragtida ah ama feejignaanta ah, laakiin waxay su’aali ka joogtaa kalsoonidooda marka ay goolka hortiisa joogaan.” Ayuu yidhi Koeman.

Tababaraha oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray: “Waxay nagu dhacday kulankii Juventus iyo sidoo kale maanta. Waxa intaa sii dheer, gool hadiyad ah ayaanu siinay Alaves. Laakiin haddii aanu abuurno fursadahaa  badan, maanaan lumineen wax sidaa u badan. Haddii aad fursado samayso oo aad kaliya mid dhaliso, maaha wax fiican.

“Dabcan anigu waxaan ka walaacsanahay in laba dhibcood oo kaliya aanu ka helnay 12 suurtogal ahaa. Waxay ila tahay in si  guud ay ciyaartu ahayd mid lagu qanci karayay, sababtoo ah, waxaan kasii walaac badnaan lahaa haddii aanaan fursadaha abuuri lahayn.”

Saddexdii beddel ee uu sameeyey waqtigii nasashada kulankii Alaves ayaa uu sharraxaad ka  bixiyey, waxaanu yidhi: “Kumaan faraxsanayn bandhigga qaybtii hore. Waxa aan sameeyey saddex beddel sababtoo ah maan faraxsanayn waxaana jiray ciyaartooyo kaadh digniin ah qaatay.

“Haddii aad igu dhalleecayseen maalintii hore inaan beddelka waqti dambe sameeyey, maanta waxa aan beddelay waqtigii nasashada. Kuma aan faraxsanayn qaybta hore, waxaana kaydka fadhiyey ciyaartooyo awoodayey inay dhaliyaan goolal. Waxaan doonayay inaan wax beddelo si aanu u guuleysano.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More