SHANTA Qalad Ee Waaweyn Ee Zinedine Zidane Sameeyey,
Guul-darradii Shakhtar Donetsk ay u xambaarisay Real Madrid Khamiistii, waxay bannaanka soo dhigtay xaaladda adag ee uu ku jiro tababare Zinedine Zidane oo ay durba shaqadiisu halis ku jirto.
Los Blancos oo laba guul-darro iskugu xigeen, usbuucan horraantiisiina ay Cadiz isla garoonka Estadio Di Stefano 1-0 ugu dhiibtay ka hor intii aanay Shakhtar oo iyaduna garoonkan timid ku garaacin 3-2, ayaa waxa durba la sheegayaa in Zinedine Zidane uu ku dhow yahay in shaqada laga caydhiyo.
Real Madrid ayaa Sabtida u tegi doonta…