Zinedine Zidane ayaa magacaabay xidigo cusub
Zinedine Zidane ayaa soo saaray Liiska xiddigaha uu kaga hor tagi doono kulanka Madrid Derby ee ay sabtida la ciyaari doonaan kooxda Atletico Madrid.Dani Carvajal iyo Fede Valverde ayaa tababarka la dhammeeyay kooxda inteeda kale jimcihii, waxaana labadoodaba lagu soo daray kooxda Los Blancos kulankaan muhiimka ah.Tababare Zidane ayaa heli doona daafac midig oo la isku halleyn karo si uu u bedelo Lucas Vazquez, kaasoo si ku meel gaar ah u ciyaaray intii uu dhaawacmay Carvajal. Odriozola, oo keydka fadhiyay kulamadii ugu…