Zinedine Zidane ayaa magacaabay xidigo cusub

Zinedine Zidane ayaa soo saaray Liiska xiddigaha uu kaga hor tagi doono kulanka Madrid Derby ee ay sabtida la ciyaari doonaan kooxda Atletico Madrid.

Dani Carvajal iyo Fede Valverde ayaa tababarka la dhammeeyay kooxda inteeda kale jimcihii, waxaana labadoodaba lagu soo daray kooxda Los Blancos kulankaan muhiimka ah.

Tababare Zidane ayaa heli doona daafac midig oo la isku halleyn karo si uu u bedelo Lucas Vazquez, kaasoo si ku meel gaar ah u ciyaaray intii uu dhaawacmay Carvajal. Odriozola, oo keydka fadhiyay kulamadii ugu dambeeyay ayaa sidoo kale soo laabtay.

Khadka dhexe, Zidane ayaa dib u helay Valverde, oo ah xidigii Spanish Super Cup sanad ka hor, waxaana lagu soo daray kooxda kadib laba maalmood oo tababar ah.

Eden Hazard, Martin Odegard, Luka Jovic iyo Mariano Diaz ayaa dhamaantood dhaawacyo ku maqan, taasoo la micno ah in Benzema uu la shaqeyn doono Vinicius Junior iyo Rodrygo oo horay u sii socda, haddii uusan Zidane ku bedelin Marco Asensio.

Sergio Arribas, oo bedel u soo galay guushii Champions League ee ay ka gaareen Borussia Monchengladbach, ayaan lagu soo darin kooxda, laakiin Kroos, Modrid, Casemiro, Isco iyo Valverde ayaa dhammaantood laga heli karaa khadka dhexe.

Safka Real Madrid ee kulanka Atletico Madrid

Goolal: Courtois, Lunin iyo Altube.

Daafacyada: Carvajal, E. Militão, Sergio Ramos, R. Varane, Nacho, Marcelo, Odriozola iyo Mendy.

Dhexda: Kroos, Modrić, Casemiro, Valverde iyo Isco.

Weerarka: Benzema, Asensio, Lucas V., Vini Jr. iyo Rodrygo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More