Arsenal Oo U Soo Baxday Wareega 32da Europa League, Da’
Arsenal oo saftay ciyaartoyda keydka ayaa sii ilaashatay rikoodhkeeda guulaha Europa League iyagoo 3-0 ku xaaqay kooxda Molde, islamarkaana xaqiijistay booskooda wareega 32da Europa League.Arsenal oo shaxdeeda wax badan laga bedalay ayaa gaabis uu ka muuqday qeybtii hore, waxayna ku sigteen in hogaanka looga hormaro daqiiqadii 16aad, markii uu Sheriff Sinyan uu ku dhawaaday inuu shabaqa soo taabto.Qeybtii labaad ayay Arsenal hurdada ka dhacay iyadoo Nicolas Pepe uu goolasha furay daqiiqadii 50aad ka hor inta uusan Reiss…