Neymar Kuma Jiro Xitaa 30ka Xiddig Ee Ugu Fiican Kubada
Musharaxa madaxweynaha Barcelona Toni Freixa ayaa sheegay in Neymar uusan ku jirin 30ka xiddig ee ugu sareeya kubada cagta Yurub islamarkaana uusan xiiseyneynin inuu u soo saxiixo Barcelona haddii uu ku guuleysto doorashada.
Shaqada ugu sareysa Camp Nou ayaa banaan ka dib markii uu dhawaan iscasilay Josep Maria Bartomeu.
Waxay la micno tahay in doorasho ay dhici doonto, iyadoo Friexa ayaa miiska soo saaray qorshihiisa uu ku maamulayo kooxda iyo fekerkiisa ku aadan Neymar.
Xiddiga reer Brazil ayaa ka ka tagay Barcelona sannadkii 2017 isagoo ku baxay heshiis rikoodhka adduunka ah 198 milyan ginni ah, laakiin waxaa si joogta ah loola xiriirinayay inuu ku laabanayo Spain.
Kooxda Catalans ayaa dhowr jeer isku dayday inay la soo saxiixato xagaagii la soo dhaafay iyadoo Bartomeu uu si weyn isagu dayayay.
Laakiin Freixa ayaa xiiseyneynin inuu raaco wadadii Bartomeu isagoo sheegay inuusan jirin ciyaaryahan marnaba ka weyn kooxda.
Wuxuu u sheegay Cadena SER: “Neymar, sababo la xiriira qaab ciyaareedkiisa xitaa kama mid ah 30ka ciyaaryahan ee ugu fiican Yurub waqti xaadirkaan. Haddii aan noqdo madaxweynaha kooxda, lama soo saxiixan doono.
“Waxa ugu muhiimsan waa Barcelona. Cid kale kuma tiirsanin.”
Barcelona ayaa isku dayday inay booskiisa uu baneeyay Neymar ku buuxiso dhowr xiddig oo magac weyn leh kuwaasoo ku fashilmay.
Xiddigaha sida Philippe Coutinho, Ousmane Dembele iyo Antoine Griezmann ayaa dhamaantood ku fashilmay waqtigooda Camp Nou.