Muxuu Daafaca Chelsea Kurt Zouma U Sheegay Xiddiga Loo
Kurt Zouma ayaa cashar kubada cagta ah siiyay Eduardo Camavinga ka dib kulankii ay Chelsea 2-1 kaga badisay Rennes.
Labada nin ee Faransiiska ah ayaa iska horyimid habeenkii Talaadada kulankii Champions League iyadoo kubad uu madax ku dhaliyay xiddiga kale ee Faransiiska Olivier Giroud ay Chelsea u soo saartay wareega 16ka.
Laakiin markii ay ciyaarta dhamaatay Zouma ayaa garoonka dhexdiisa kula hadlay Camavinga oo 18 jir ah isagoo siiyay cashar ku saabsan kubad difaacashada.
Daafaca dhexe Zouma oo 26 sanno jir ah ayaa wacdarro u dhigaya Blues xilli ciyaareedkan ka dib markii ay si fiican isku fahmeen Thiago Silva.
Wuxuuna qish fiican siiyay xiddiga khadka dhexe ee aadka loo qiimeeyo Camavinga ka hor inta uusan da’ yarkaan dib ugu laabanin France.
Sida ay duubtay kaamirada RMC, Zouma ayaa ku yiri Camavinga: “Mararka qaar waa inaad dib u laabataa marka aad kubada dhumiso. Inagaba waan sameyna.
“Marka uu jiro cadaadis, waxaa dhumineysaa kubada iyo gool. Mar walba waa sidaan oo kale. Waxay dhacday xitaa kulankii PSG”
Haddii Camavinga uu horumariyo kubad difaacashadiisa waxa uu heshiis qaali ah ka heli karaa kooxaha ugu waa weyn Yurub ee isha la raacaya.
Manchester United ayaa la sheegay inay taageero weyn u yihiin da’ yarkaan.
Real Madrid, Paris Saint-Germain iyo Juventus ayaa sidoo kale eegaya Camavinga kaasoo durbaba 54 kulan u saftay kooxda koowaad ee Rennes.
Da’ yarkaan oo sidoo kale seddex kulan u dheelay xylka France ayaa waxaa lagu qiimeeyaa 62 milyan ginni.