Fal Uu Ku Kacay Dhakhtarka Diego Maradona Oo Ka Careysiisay
Sawir si qaldan loogu tilmaamay inuu yahay sawirkii ugu danbeeyay ee laga qaaday Diego Maradona oo nool ayaa keentay in dhakhtarkiisa qaaska ahaa inuu raaligeliyo qoyska halyeeyga kubada cagta.
Maradona oo lagu tilmaamo inuu yahay xiddigii ugu fiicnaa abid ayaa geeriyooday shalay oo Arbaco aheyd isagoo da’diisa ay aheyd 60 sanno jir.
Waxaa istaagay wadnaha isagoo jooga gurigiisa ku yaala magaalada Buenos Aires, halkaasoo uu ku soo kabsanayay tan iyo markii qaliin maskaxda looga sameeyay horaantii bishaan.
Waqtigii uu cusbitaalka ku jiray, dhakhtarkiisa Leopoldo Luque ayaa baraha bulshada soo dhigay sawir uu la galay Maradona oo ku dil fadhiya sariirtiisa cusbitaalka.
Sida ay sheegtay warbaahinta Argentian ee Clarin, sawirkaas ayaa ka careysiiyay qoyska Maradona iyagoo aan ku faraxsaneyn in sawir uu xanuunsanayo la soo dhigo baraha bulshada islamarkaana sawirkaas uu noqdo xusuustiisa ugu danbeysay.
Luque ayaa raaligelin ka bixiyay sawirka ka hor inta uusan Maradona geeriyoonin, isagoo yiri: “Waxaan filayay in sawirkaan ay aqbali doonaan qof walba, laakiin sidaasi ma aysan noqonin.
“Sidaasi darteed waxaan raaligelinayaa cid walba oo ka xumaatay sawirka ama aaminsan in sawirka uu ahaa mid aan habooneyn.
“Tan labaad, sawrika waxaa ogolaaday Diego.
“Waxaan doonayaa inaan cadeeyo in go’aankeyga aysan aheyn. Ma aheyn wax aan aniga kaliya go’aansaday.”
Si kastaba, inkastoo warbaahinta badankeed ay sheegeyso in sawirkaan uu ahaa kii ugu danbeeyay ee laga qaaday Maradona hadana waxaa soo baxday inaysan taasi run aheyn.
Sawirkii ugu danbeeyay ee Maradona oo nool waxaa qaaday wiilkiisa Diego Fernando kaasoo soo dhigay bartiisa Instagram isbuucii la soo dhaafay isagoo ku qoray: “Aad ayaan kuugu xiisay aabe.”
Wiilkaan uu Maradona ka dhalay xaaskiisa hore Veronica Ojeda ayaa todoba sanno jir ah, wuxuuna Maradona ku booqday gurigiisa halkaasoo uu ku soo kabsanayay.
Geerida Maradona ayaa keentay in looga baroordiiqo meelo badan oo dunida ah halka iskuulada magaalada Napoli ee dalka Talyaaniga la xiray.
Napoli oo aheyd kooxdii uu guulaha ugu waa weyn la qeybsaday Maradona ayaa dooneysa inay magaca garoonkeeda u bedesho halyeeyga reer Argentina.
Dalka Argentina waxaa iyadana maanta ka bilaabatay baroordiiq soconeysa muddo seddex maalmood ah.