Xiddig Arsenal Ah Oo Shil Gaari Oo Halis Ah Ka Badbaaday –

Waqti cabsi leh ayaa soo wajahday markii da’da yarka Premier League Joe Willock uu gaarigiisa koontaroolka goostay isagoo seddex wado isaga gudbay ka hor inta uusan ku dhicin darbiga wadada.

Waxaa nasiib wanaag aheyd in xiddiga khadka dhexe Joe Willock uu ka badbaaday shilka isagoo aysan waxba gaarin balse gaariga ka soo degay isagoo jareynaya.

Gaarigiisa Mercedes-AMG G-class oo qiimihiisu yahay 140 kun ginni ayaa koontaroolka goostay isagoo ku socda xawaare aad u sareeya,.

Xiddiga ku jira xulka England ee U21 Willock ayaa ku sii socday xarunta tababarka Arsenal isagoo si xun u koontaroolay gaariga markii uu ku biirayay wado weyn oo mashquul badan.

Kaamiro ku xirneyd gaarigii ka danbeeyay ayaa duubay shilka iyadoo gaarigiisa uu ku dhacay darbiga dhisan ee wadada, waxaana la arkayay cagta gaariga oo cirka sarre u duuleysa.

Gaariga Willock oo seddex cag ay ku soo socday ayaa markaas ka dib wuxuu ka baxay wadada isagoo nasiib ku lahaa inuusan la gadoomin.

Qofka iska lahaa gaariga ka danbeeyay Willock ee duubay dhacdadaan ayaa sheegay in Willock uu isku dayayay inuu gaariga dib ugu soo celiyo wadada isagoo aan ka warqabin in hal cag ay ka maqan tahay gaariga.

Shaqsiga duubay dhacdaday oo diiday in magacaabo ayaa u sheegay Daily Mail:

“Waan u tagay una sheegay inuusan wadada ku soo laaban karin madaama cagta danbe ee gaariga ay maqan tahay. Waxaan ku iri: ‘Xawaare aad u sareeya ayaad ku soo leexatay.’

“Wuxuu igu yiri: ‘Waan ogahay, doqon ayaan ahay.’ Wuxuu ii sheegay inuu ku sii socday garoonka tababarka Arsenal.

“Gaariga ayuu ka soo degay wuxuu igu yiri: “ma u maleyneysaa inay u dhamaatay gaariga?’. Waxaan ku iri: “Khabiir kuma ahi gawaariada laakiin geed ayaa afka hore ee gaarigaaga ku dhex jira. Ka dib waxaan weydiiyay haddii uu fiican tahay, wuxuu ii sheegay inuu fiican yahay, waxaan weydiiyay haddii aan u wacayo boliiska wuxuu ii sheegay inuu fariin u diray walaalkiis.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More