Xiddigii Arsenal Ay Dooneysay Houssem Aouar Oo Diiday
Wargeyska L’Equipe ee ka soo baxa dalka Faransiiska ayaa qoray in kubadsameeyaha khadka dhexe ee kooxda Lyon Houssem Aouar in laga reebo liiska ciyaartoyda todobaadkan la ciyaareysa Reims ka dib ganaax uu duldhigay agaasimaha kooxda Juninho.
22 jirkaan ayaa diiday inuu ka qeyb qaato tababarka kooxda ka dib kulankii ay la ciyaareen Angers oo uu kursiga keydka fadhiyay.
Ciyaaryahanadda kooxda Lyon ayaa lagu wargeliyay in kooxda laga ganaaxay Aouar subaxinimadii Arbacada sidoo kale waxaa warkaan loo sheegay ciyaaryahan shaqsi ahaantiisa.
Ciyaaryahanadda kooxda ayaa la sheegay inay la yaabaan go’aanka kooxda iyagoo warkaan maqlayay 24kii saacadood ee ugu danbeysay.
Ka dib markii ay dhamaatay kulankii isbuucii hore ee ay la ciyaareen kooxda Angers, tababaraha kooxda Lyon Rudi Garcia ayaa weydiistay Houssem Aouar inuu garoonka ku soo noqdo oo uu tababar la sameeyo xiddigaha kooxda ee aan dheelin. 30 daqiiqo oo tababar ayay kooxda sameyneysay kulanka ka dib si loo ilaaliyo badqabka ciyaartoyda.
Laakiin Aouar ayaa diiday tababarka isagoo sabab ka dhigtay in garoonka kooxda Angers uu ahaa mid aan hagaagsaneyn oo sababi kara inuu dhaawacmo. Sidaasi darteed agaasimaha isboortiga Lyon Juninho ayaa go’aansaday inuu kooxda ka mamnuuco Auoar todobaadkan.
Aouar ayaa xagaagii si weyn u doonayay inuu ku biiro kooxda Arsenal laakiin kooxda Ingariiska ayaa ka gaabisay xiisaheeda iyagoo miiska saari waayay lacagtii ay dalbatay kooxda Lyon.
Dagaalka cusub ee uu Aouar la galay maamulka kooxda Lyon ayaa fududeyn kara inuu baxo bisha Janaayo iyadoo ay sidoo kale xiiseynayaan kooxaha PSG iyo Juventus.
Xiddigaan khadka dhexe ayaa lagu qiimeynayaa 50 milyan euro.