Dowladda Soomaaliya oo ka xumaatay go’aanka Trump ee
Go’aanka Donald Trump ee ah inuu ciidamada Mareykanka kala baxo Soomaaliya maalmaha yar ee ka dhiman madaxweynenimadiisa ayaa waxaa diidmo kala horyimid qaar kamid ah Soomaalida, kuwaasoo ka codsaday madaxweynaha imanaya ee Maraykanka Joe Biden inuu ka laabto go’aanka.
Senetar Ayuub Ismaa’iil Yuusuf oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa ka mid ah dadka aad uga horyimid go’aanka Hogaamiyaha waqtigiisu dhamaaday ee Maraykanka Donald Trump.
Pentagon-ka ayaa sheegay in Trump…