Biden oo shir looga hadlayo cimilada ku casuumay Xi
Hogaamiyaha Mareykanka ayaa ku casuumay Shiinaha iyo Ruushka in ay ka mid noqdaan 40 dowladood oo ka qeyb gala shir madaxeedka caalamiga ah ee looga hadlayo isbeddelka cimilada ee dhacaya bisha Abriil, sida uu sheegay madaxweyne Joe Biden.
Hogaamiyaha Shiinaha Xi Jinping iyo Hogaamiyaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ka mid ahaa hogaamiyayaasha adduunka ee lagu casuumay shir madaxeedka Abril 22-23 ayuu yiri Biden.
Shirka caalamiga ah ee looga hadlayo cimilada ayaa qayb ka ah dadaalka loogu jiro sare u qaadista isbedelka…