Muxuu yahay Ajandaha shirka labada mar baaqaday ee gollaha

Shirka gollaha wasiiradda Soomaaliya oo uu shirgudoomiyay Ra’iiul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Gollaha Wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya ayaa dib u dhigay shir aan caadi ahayn oo la filayay in ay Maanta yeeshaan, kaasoo oo ajandihiisu ahaa in go’aanno looga soo saaro xiisadda diblomaasiyadeed ee Soomaaliye iyo Kenya.

Wasiiradda ayaa sidoo kale lagu wadey in ay soo saaraan go’aan ka dhan ah Jubbaland oo khilaaf xoog leh kala dhaxeeya dowladda Faderaalka Soomaaliya, waxaana wararku ay sheegayaan in kulanka laga yaabo in uu qabsoomo horaanta Todobaadkan madaama madaxtooyadu aad u xiisaynayo qabsoomida shirkaan ka dhan ah maamulka Axmed Madoobe.

Lama oga sababta baaqashadda, iyadoo hadal heyno kala duwan laga bixiyay sababta keentay baashaqada shirka inkastoo Axadle ay isku dayayso in warbixino dhamaystiran oo arinkaan la xiriira ay ka hesho xafiiska Wasiirka 1 aad ee Xukumadda Soomaaliya.

Waa markii labaad oo Gollaha Wasiiradda ay ku guuldareystaan in ay yeeshaan oo loogu yeeray mid aan caadiga ahayn, oo Maanta indhaha lagu wada hayay, islamarkaana loo dheg taagayay go’aannada cusub ee dowladda.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa maalmo kahor ugu yeertay wadatashi safiirkeeda Nairobi Maxamuud Axmed Nuur [Tarsan], iyadoo ku amartay inuu Muqdisho ka tago danjiraha Kenya Lucas Tumbo.

Go’aankan ayay u sabaabaysay dowladda faragelin ay sheegtay in ay Kenya ku hayso doorashooyinka dalka, iyo Jubbaland oo sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda in Nairobi ku qasbayso Axmed Madoobe inuu ka baxo heshiiska doorashadda.

Kenya ayaa ku tilmaantay eedeymaha Villa Soomaaliya kuwa aan waxba ka jirin, oo Farmaajo ka dhiganayo olole doorasho, waxaana Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Nairobi tilmaantay in aan lala soo sameynin xiriir ku aadan eryida Safiirkeeda.

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa maalmo ka hor shaaciyay in Golaha Wasiirada qorsheynayaan in ay Jubbaland u aqoonsadaan deegaan cadaw heysto, isagoo ku tilmaamay haddii tallaabadaas dhacdo in ay tahay Qar-iska tuur iyo daldalaad siyaasadeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa sanad iyo barkii la soo dhaafay qaadeysay tallaabo ka dhan ah Maamulka Jubbaland, iyadoo horay u qaadacday dib u doorashadii Axmed Madoobe, balse markii dambe cadaadis uga yimid Beesha Caalamka aqoonsatay.

Sidoo kale Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa xariirkooda gaarey meeshii ugu hooseysay markii uu xafiiska yimid madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxayna labada dalka isku hayaan arrimo xasaasi ah, oo ay kamid yahay dooda badda, oo hadda la filayo in ay Maxkamadda ICJ go’aan ka gaarto.

Axmed Madoobe Hoggaamiyaha Jubbaland oo garaawsan xiriirka liita ee kala dhexeeya Xukumadda Muqdisho ayaa sheegay in uusan soo dirayn guddiga doorashada iyo xalinta khilaafaadka inta xal laga gaarayo arinta gobolka Gado oo ah xudun khilaafka Kismaayo iyo Muqdisho.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More