Dowladda Soomaaliya oo ka xumaatay go’aanka Trump ee
Go’aanka Donald Trump ee ah inuu ciidamada Mareykanka kala baxo Soomaaliya maalmaha yar ee ka dhiman madaxweynenimadiisa ayaa waxaa diidmo kala horyimid qaar kamid ah Soomaalida, kuwaasoo ka codsaday madaxweynaha imanaya ee Maraykanka Joe Biden inuu ka laabto go’aanka.
- Advertisement -
Senetar Ayuub Ismaa’iil Yuusuf oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa ka mid ah dadka aad uga horyimid go’aanka Hogaamiyaha waqtigiisu dhamaaday ee Maraykanka Donald Trump.
Pentagon-ka ayaa sheegay in Trump uu amray in Soomaaliya laga soo saaro ciidanka Maraykanka “inta badan” horaantii 2021.
Dowladda Soomaaliya weli wax faallo ah kamay bixin go’aanka jimcihii ka soo baxay Maamulka Trump.
“Go’aankii Mareykanku uu uga saarayo ciidamadiisa Soomaaliya marxaladdan adag ee dagaalka lagula jiro Al-shabaab iyo shabakadooda argagixisada adduunka waa mid aad looga xumaado,” ayuu Senator Ayuub Ismaaciil Yuusuf u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.
“Ciidamada Mareykanka wax weyn ayey qabteen waxayna saameyn weyn ku yeesheen tababarka iyo waxtarka howlgalka ee askarta Soomaaliya,” ayuu hadalkiisa raaciyay Yuusuf.
“Go’aanka Trump ee ah in ciidamada amniga Mareykanka uu ka saaro Soomaaliya waa mid aan munaasib aheyn. Dagaalka ka dhanka ah argagixisada caalamiga ah wali wuu socdaa” ayuu yiri sida oo qiray in uu ku rajo waynyahay in lagu guulaysto nabada iyo amniga Soomaaliya.
“Waa inaanan ka quusan guulaheena” ayuu ku soo gabagabeeyay qoraal uu ku daabay bartiisa Twetterka.
Dowladda Soomaaliya ee caalamku taageerayo ayaa lagu wadaa in ay qabato doorashada baarlamaanka bishaan iyo doorashooyinka qaranka horaanta bisha Febraayo.
Ciidamada Mareykanka waxa ay inta badan taageeraan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya ee loo yaqaan Danab gaar ahaan howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab, weerarada ay Al Shabaab ka geysanayaan wadamada sida Kenya iyo Uganda waxaa ku dhintay boqolaal rayid ah oo ay ku jiraan kuwa Mareykanka ah.
Haddii bixitaanku uu yahay mid dhab, “waxa ay saameyn weyn ku yeelan doontaa dadaallada la-dagaallanka argagixisada,” ayuu yiri Korneel Axmed Cabdullaahi Sheekh, oo saddex sano la shaqaynayay taliyaha ciidanka gaar ah ee Danab.
Barnaamijka Mareykanka ee lagu gaarsiinayo ciidanka Danab ilaa 3,000 oo rag ah ayay ahayd inuu sii socdo illaa 2027, ayuu yiri Kornayl Axmed, laakiin mustaqbalka barnaamijkaas hadda ma cadda.
William Lawrence, oo ka tirsan Jaamacadda Mareykanka ee Washington, DC, ayaa sheegay in tallaabada Trump ay dhaawaceyso danaha Mareykanka ee bariga Afrika.
“Dhabar jabkii ka yimid howlgalada Mareykanka marka la fiiriyo waa in muddo kadib, ay waayi doonto awoodeeda Ameerika ee dhulka iyo la macaamil dheeri ah oo lala yeesho ciidamada Soomaaliya,” ayuu yiri.
“Waxa ay dharbaaxo dhab ah ku tahay Soomaaliya. Ma jirto sabab wanaagsan oo militari ama istiraatiijiyad ah oo talaabadan loo qaadayo. Falcelinta ka timid Pentagon waxa ay umuuqataa mid aad u xun. ”
Ka bixitaanka Mareykanka ayaa timid xilli buuq ka jiro gobolka.
Itoobiya oo iyadu ah midda ugu badan ee ku biirisa ciidamada nabad ilaalinta ku sugan Soomaaliya isla markaana ay kumanaan kun oo askari uga joogaan Soomaaliya goboladda Bay, Bakool, Gedo, hiiraan iyo Galgaduud, waxaa ku mashquulsan isku dhac gudaha ah oo qarxay bishii hore.
Waxay hub ka dhigis ku sameysay boqolaal ka mid ah ciidamadeeda nabad ilaalinta.
Soomaaliya waxaa hareeyay dagaallo sokeeye tan iyo 1991, laakiin gelitaankii ciidammada nabad ilaalinta ee 2008 waxa ay gacan ka gaysatay abuuritaanka dhismayaal dowladeed oo curdin ah oo u oggolaaday dib-u-habeyn tartiib-tartiib ah oo lagu sameeyo millatariga, sida nidaamka bixinta mushaaraadka askarta iyo sameynta Danab.
Laakiin dhibaatooyin badan oo dhanka milateriga Soomaaliya ah ayaa weli taagan, oo ay ka mid yihiin musuqmaasuqa, in askarta loo adeegsado qaab siyaasadeed, faragelin siyaasadeed iyo in ciidanku goboladda qaarkood leeyihiin qaab-dhismeed qabiil.