“Ku Ducaysta In Aanan Idin Helin” Mario Balotelli Oo Koox

Weeraryahanka koox la’aanta ah bilahan ugu dambeeyay ee Mario Balotelli ayaa maanta kusoo kacay cadho uu ka qaaday koox dhibaataysay gaadhigiisa isaga oo farriin adag baraha bulshada u mariyay.

Weeraryahankii hore ee xulka qaranka Talyaaniga ayaa wali koox la’aan ah balse sii wada inuu ku noolaado Brescia kaddib markii ay isku dhaceen kooxda magaaladaas oo uu qayb ka ahaa.

Subaxa saaka ahaa ayuu Balotelli barta Instagram-ka soo dhigay muuqaalka gaadhigiisa oo la dhibaateeyay sida in daaqad laga jabiyay isagoo farriin soo raaciyay muuqaalkaas.

Balotteli ayaa u sheegay shaqsiyaadkii gaadhigiisa sidaas yeelay inay u fiicantahay inay ka ducaystaan inuu helo iyaga maadaama oo uu xanuujin doono oo uu ku silcin doono sharciga haddii uu helo.

Farriinta Mario ee Instagram ayaa u dhignayd sidan “Waan ogahay inaad….adigu in cidkasta oo aad tahay aad heli doonto farriintan, waxaan kuu sheegayaa kaliya inay kuu fiicantahay inaad ducaysato oo aad aad uga ducaysato inaan ku helo”

“Sababtoo ah waxaan xaqiijin doonaa inuu sharcigu nolosha kugu adkayn doono, waxaad tihiin doqmo fulay ah”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More