Waa maxay ujeedka safarka MW Qoor-Qoor ee Dhuusa Mareeb?
Hogaamiyaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor oo shalay ka baaqday safarkiisa Dhuusomareeb ayaa lagu wadaa inuu maanta u safro caasimada maamulkiisa ka dib 49 maalmood oo uu ka maqnaa.
Dastuurka DG Galmudug wuxuu dhigayaa in ugu badnaan 45 habeen aan la seegin maxaa yeelay madaxweynuhu wuxuu ka qeyb galay shirar siyaasadeed oo looga hadlayo arrimaha doorashada dalka.
Qoor-Qoor oo fursad maanta u helay ka nasashada kulamada looga hadlayo heshiiska 17-ka September 2020 ayaa u safraya Magaalada Dhuusamareeb…