DEG-DEG: Erling Haaland Oo Ka Degay Magaalada Manchester & Hotelka

Weeraryahanka kooxda Borussia Dortmund ee Erling Haaland ayaa ka degay magaalada Manchester isagoo ay wehelinayaan ciyaartoyda kooxdiisa.

Xiddigaha kooxda Borussia Dortmund oo dhamaystiran ayaa mar dhoweyd gaadhay magaalada Manchester, waxaanay ku dageen Hotelka The Lowry Hotel ee ay leedahay kooxda Manchester United, halkaas oo ay joogi doonaan illaa  inta ay ka gaadhayso ciyaarta Man City ee habeen dambe.

Haaland oo lala xidhiidhinayo labada kooxood ee Manchester City iyo Manchester United ayaa ka mid ah ciyaartoydan, waxaana lagu sawiray isagoo sii gelaya hotelka Lowry.

Laacibkan oo Borussia Dortmund u dhaliyey 49 gool 50 ciyaarood oo uu u saftay ayaa isha ay ku hayeen warbaahintu, waxaanay ka qaadeen sawirro iyagoo raadinaya sida uu yahay dareenkiisu.

Jamaahiirta kubadda cagta ayaa habeen dambe telefishannada kala socon doona heerka ay gaadhsiisan tahay tayada 20 jirkan ay kooxaha waaweyni ku raad-joogaan, iyadoo la qiimayn doono awooddiisa ciyaareed ee marka uu ka hor tago kooxaha waaweyn.

In Borussia Dortmund ay soo gaadho marxaladdan, waxa sababta ugu weyn lahaa Erling Haaland oo u dhaliyey goolashii ka caawiyey in ay kasoo gudubto wareegyadii hormooyinka iyo 16ka, waana laacibka goolasha ugu badan ka dhaliyey tartanka Champions League xilli ciyaareedkan.

Safarka Borussia Dortmund ee England waxa kale oo ka mid ahaa xiddiga reer England ee Jadon Sancho oo ay Manchester United si weyn u doonayso.

Laakiin taariikhda Jadon Sancho ayaa ah mid ka duwan, sababtoo ah waxa uu ka hor tegayaa kooxdiisii hore ee Manchester City oo sannadkii 2017kii uu ka tegay, lacag 8 milyan oo Gini oo kali ahna ay Borussia Dortmund ku iibsatay.

Si kastaba, waxaynu eegi doonaa haddii labadan ciyaartoy ay awood u yeelan doonaan in ay xakameeyaan Manchester City oo wacdaro ka dhigaysa garoomada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More