Waa maxay ujeedka safarka MW Qoor-Qoor ee Dhuusa Mareeb?

Hogaamiyaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor oo shalay ka baaqday safarkiisa Dhuusomareeb ayaa lagu wadaa inuu maanta u safro caasimada maamulkiisa ka dib 49 maalmood oo uu ka maqnaa.

Dastuurka DG Galmudug wuxuu dhigayaa in ugu badnaan 45 habeen aan la seegin maxaa yeelay madaxweynuhu wuxuu ka qeyb galay shirar siyaasadeed oo looga hadlayo arrimaha doorashada dalka.

Qoor-Qoor oo fursad maanta u helay ka nasashada kulamada looga hadlayo heshiiska 17-ka September 2020 ayaa u safraya Magaalada Dhuusamareeb oo isla berri gelinka hore dib ugu soo laabanayo Muqdisho si uu uga qaybgalo wadahadallada socda.

Saraakiisha Galmudug ayaa Axadle u sheegay in booqashada Hogaamiye Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ay timid kadib markii xildhibaanada qaar ay ku dhaliileen inuu ku sugan yahay banaanka caasimada kana baxsan waqtiga dastuurka.

Kulamada baarlamaanka ayaa hakad ku jira, iyadoo inta badan xildhibaanada ay ka maqan yihiin magaalada Dhuusomareeb, waxaana madaxtooyada Galmudug ku cadaadisay golaha sharci dejinta in aysan la xisaabtamin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More