Zidane Oo Shaaciyey In Real Madrid La Xaqirayo, Waxa Uu Ka Yidhi

Tababaraha Real Madrid, Zinedine Zidane  ayaa ka hadlay kulanka ay Salaasada kooxdiisu ku qaabbilayso Liverpool oo ay lugta hore ee wareegga 16ka ku wada ciyaari doonaan Alfredo Di Stefano ka hor inta aanay Anfield tegin usbuuca dambe.

Zidane waxa uu sheegay in kooxdiisa aan xilli ciyaareedkan la siinin qiimayntii ay mudnayd oo hoos loo dhigayo shaqada ay qabatay iyo tayadeeda, waxaanu difaacay heerka ay taagan yihiin iyagoo horyaalka saddex dhibcood oo kaliya ka dambeeya Atletico Madrid oo hoggaanka haysa, hal dhibicna ka horreeya Barcelona oo saddexaad ku jirta, halka ay wareegga siddeedda Champions League taagan yihiin.

Isagoo ka  hadlayay shir jaraa’id ayuu yidhi: “Waxay ila tahay in Real Madrid aan la siinin qiimayntii ay u qalmaysay. Laakiin ugu dambaynta, waxa aanu u qalanaa runta, waxa aanu diiradda saaraynaana waa shaqo maal-meedka.

“Kooxdani waligeed ma istaagto.”

Zinedine Zidane waxa kale oo uu ka hadlay kulanka Liverpool ee habeen dambe, waxaanu amaanay tababare Jurgen Klopp, isagoo yidhi: “Waa tababare wanaagsan oo waqti badan tababare soo ahaa, wuxuuna leeyahay khibrad.

“Wuxuu soo qabtay shaqo aad u wanaagsan intii uu xirfadda kusoo jiray, qof kastaana shaqadiisa wuxuu u qabsadaa si isaga u gaar ah. Waxaan soo arkay tababareyaal badan, waxaanan soo arkay waxyaabo kala duwan intii aan anigu tababaraha ahaa.”

Waxa kale oo uu amaan u jeediyey weeraryahanka reer France ee Karim Benzema, waxaanu yidhi: “Qof kasta oo halkan jooga wuu garanayaa sida loo ciyaaro, waxaanay kooxdan ka xoogsadaan boosaskooda. Dhamaantood waa ciyaarooyo wanaagsan.

“Waxay si fiican u fahmaan Karim, isaguna si fiican ayuu dhamaantood u fahmaa.”

Eden Hazard ayaa kusoo laabtay tababarka kooxdiisa, laakiin Zidane ayaan kusoo darin liiska ciyaartoydiisa ee kulankan, isagoo sababta sharraxayana waxa uu yidhi: “Eden waa inuu is dejiyo. Waligayo khatar kuma gelinayno in uu soo laabto ciyaartoy aan diyaar ahayn.

“Si qunyar-qunyar ah ayaanu wax u samaynaynaa, waananu arki doonaa marka uu ciyaari karayo.”

Difaaca Liverpool ee kala daadsan ayuu sidoo kale ka hadlay, waxaanu yidhi: “Anigu ma garanayo haddii ay diciif yihiin sababtoo waa ciyaartooyo kale. Aniguba waxaa naga maqan ciyaartooyo laakiin xoogganaantu waa kooxda.

“Mar walba waxa jiraya ciyaartooyo maqan, balse xooganaantu waxay ku jirtaa koox ahaanta, anaguna sidaas ayaanu nahay.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More