Mucaaradka Jabuuti ayaa ka hadlay guushii Geelle
C / raxmaan Maxamed oo ah gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ee Raad ahna duqa hore ee magaalada Jabuuti ayaa sheegay in madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu ku guuldareystay qabashada doorashooyin xor iyo xalaal ah isla markaana natiijada doorashada aysan waxba soo kordhin doonin.
Hogaamiyaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa mar 5aad loo doortay mar kale hogaamin doona dalkaas.
Wuxuu ku guulaystay boqolkiiba 98 codadkii la dhiibtay halka murashaxa kaliya ee la tartamayay Sakariye Ismaaciil Faarax uu helay 1.59…