Shaxda Rasmiga Ah Ee Tottenham vs Man United – Mourinho & Solskjaer Oo

Kulan weyn ayaa kooxaha Tottenham iyo Manchester United ku dhexmaraya maanta garoonka Tottenhan Hotspur Stadium iyadoo Red Devils ay dooneyso inay aargudato xasuuqii Old Trafford ku soo gaaray horaantii xilli ciyaareedkan.

Tottenham waxay dhawaan la kulantay natiijooyin isku dhaf ah laakiin waxay kaalinta lixaad kala bixi kartaa Liverpool haddii ay badiso maanta. Man United waxay iyagu doonayaan inay ku sii dheganaadaan kaalinta labaad iyadoo aan laga badinin 10 kulan oo Premier League ah halka ay badiyeen seddexdii kulan ee ugu danbeysay.

Waa Jose vs Ole, Spurs vs Man United, kulanka ugu weyn todobaadkan horyaalka Premier League.

SHAXDA RASMIGA AH:

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa shaxdiisa ku soo celiyay goolhaye Dean Henderson laakiin waxaa weli Red Devils ka maqan Anthony Martial iyo Phil Jones oo labaduba dhaawac jilibka ah qaba halka Eric Bailly uu la maqan Korona Fayras.

Luke Shaw iyo Marcus Rashford ayaa taam u noqday kulankaan iyadoo Shaw uu dhaawac ku baxay kulankii Europa League halka Rashford uu la dhibtoonayay dhaawac canqowga ah.

Rashford waxaa afka hore ka garab ciyaaraya Edinson Cavani iyadoo Greenwood uu keyd fadhiya halka khadka dhexe ay ka wada ciyaarayaan Pogba, McTominay iyo Fred iyadoo Fernandes uu hortooda taagan yahay.

Dhanka tababare Jose Mourinho waxa uu soo safay shaxdiisa ugu adag madaama aysan jirin dhaawacyo cusub oo soo wajahay kooxdiisa marka laga reebo Ben Davies iyo Matt Doherty.

Laakiin waxaa keyd fadhiya Gareth Bale iyo Della Alli iyadoo laga doorbiday Lucas Moura iyo Hojbjerg. Kane ayaana hogaaminaya weerarka Spurs.

Tottenham: Lloris, Aurier, Dier, Rodon, Reguilon, Lo Celso, Ndombele, Hojbjerg, Moura, Son, Kane.

Keyd: Hart, Alderweireld, Winks, Bale, Lamela, Sissoko, Alli, Tanganga, Vinicius.

Man United: Henderson, Wan-Bissaka, Lindelof, Maguire, Shaw, Pogba, Fred, McTominay, Fernandes, Rashford, Cavani.

Keyd: De Gea, Mata, Greenwood, Traore, Telles, Matic, Williams, Van de Beek, Tuanzebe.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More